3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 21, 2012
Faahfaahin ku saabsan safarka Madaxweyne Xassan Sheekh uu ku tagay dalka Kenya

Jimco, December 21, 2012 (HOL) -  Madaxweynaha JF Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa boooqasho labo maalmood qaadanaysa ku maraya Dalka Kenya.

Diyaaradii siday wafdiga Madaxweynaha oo kasoo kicitimay magaalada Muqdisho ayaa soo cagadhigatay garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta abaarihii 10-kii barqanimo ee saaka, waxaana halkaas si weyn ugu soo dhaweeyay wafdi sare oo Kenyaan ah oo uu hoggaaminayay madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki iyo saraakiil sarsare oo ka socday labada Dowladood.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa sallaan sharafeed garoonka diyaaradaha uga qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada Kenya iyadoo kadibna ay si farxad iyo damaashaad leh ay kusoo dhaweeyeen kooxaha soo bandhiga dhaqanka ee Jamhuuriyadda Kenya.

Kadib soo dhaweyntaas diiran ee Madaxweynaha Soomaaliya lagu soo dhaweeyay ayay waxay labada madaxweyne iyo wafdiga labada Dal kullan ku yeesheen Madaxtooyada Kenya.

Labada dowladood waxay isla garteen baahida loo qabo in lasoo nooleeyo guddiga gaarka ahaa ee ka shaqeynayay danaha labada wadan ee JCC kaasi oo ay labada dal ku heshiiyeen bishii September, 2005.

Waxay labada dhinaca isla garteen in guddigan uu yahay  hanaanka xaqiiqiga ee ay wax kuwada qabsan karaan Kenya iyo Soomaaliya.

Warmurtiyeed ay si wada jir ah usoo saareen labada madaxweyne ayaa warbaahinta waxaa uu akhriyay Proff. Sam Ongeri wasiirka arimaha dibadda ee Kenya kadib kullan ballaaran oo ay labada dhinac  isku hor fariisteen.

Waxaa lagu sheegay war-murtiyeedka in labada dal ay ku heshiiyeen in wasaaradaha arimaha dibedda ee Kenya iyo Soomaaliya ay sida ugu dhakhsaha badan u bilaabaan sidii loo dardar gelin lahaa hanaanka iskaashiga labada wadan.

Waxayna labada hoggaamiye isla garteen in lasii wado hanaankan iyadoo sare loo qaadayo kawada shaqeynta dhinaca ammaanka, arimaha khuseeya xuduudaha, xoojinta iskaashiga dhaqaalaha, socdaalka, tacliinta iyo isdhaafsiga arimaha la xiriira dhaqanka, iyadoona markaasi qiime weyn lagu bixinayo in labada waddan ee Kenya iyo Soomaaliya ay sare u qaadaan xiriirka ka dahxeeya si ay uga faa’ideysteen bulshooyinka labada wadan.

Dhinaca ammaanka oo kale waxay labada hoggaamiye isla garawsadeen iney muhiim tahay in la iska kaashado la dagaalanka kooxda al-Shabaab iyo kooxaha xagjirka ah ee khatarta ku ah ammaanka labada wadan.

Si arintaasi loo adkeeyo waxay Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ku heshiiyeen baahida loo qabo in la sameeyo guddi joogta ah oo ka shaqeeya arimaha ammaanka, socdaalka iyo sidoo kale dhamaan arimaha khuseeya xuduuda dheer ee ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya.

Labada Madaxweyne ee Kibaki iyo Xassan Sheekh waxay ammaaneen doorka AMISOM ee nabadeynta Soomaaliya iyo in kooxda al-Shabaab ay AMISOM ka xoreyso qeybo badan oo kamida Soomaaliya iyagoona gollaha ammaanka ee qaramada midoobay ka dalbaday in la kordhiyo joogitaanka AMISOM ee Soomaaliya oo ku eg horaanta sanadka soo socda ee 2013, iyagoona carabka ku adkeeyay in AMISOM ay  awood u leedahay hanaanka nabadeynta iyo xasilinta Soomaaliya.

Dhinaca arimaha gobolka waxay labada madaxweyne ammaaneen doorka urur goboleedka IGAD ee qorsahaha xasilinta koonfurta iyo bartamaha Soomalaiya iyo goobaha kale ee laga xoreeyo al-Shabaab, iyagoona xoojiyay baahida loo qabo hanaankan ay garwadeenka ka yihiin dalalka ku bahoobay IGAD ee taageerada ka heysta Midawga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

Arimaha Qaxootiga waxay labada madaxweyne kawada hadleen xaaladda Qaxootiga  Soomaalida ee ku nool xeryaha buux dhaafay ee Dadaab iyo Kaakuma ee Waqooyiga Kenya waxayna ballanqaadeen in si wadajir ah ay beesha caalamka kala shaqeynayaan sidii loo qaabeyn lahaa sidii Soomaaliya dib loogu celin lahaa si ay qeyb uga noqdaan horumarka iyo dib-udhiska Dalkooda.

Booqashada madaxweynaha ayaa qaadanaysa labo maalmood oo maanta ka bilaabanaysa isagoo sidoo kale inta uu Nairobi joogo la kulmi doono bulshada Soomaaliyeed eek u dhaqan Dalka Kenya.

Waxaa madaxweynaha booqashadan ku weheliya xubno ka tirsan xukuumadda sida Fawsiya Xaaji Aaden, Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiiradda arimaha dibedda iyo wasiiro kale oo ay kamid yihiin, Cabdikariin Guulleed, Cabdullaahi Ciilmooge, Faarax Sheekh Cabduqaadir iyo Saraakiil kale oo Soomaaliya.

Cabdiqafaar Shire
Hiiraan Online
Nairobi, Kenya













Click here
12/21/2012 4:53 PM EST
Jimco, December 21, 2012(HOL): Dowladda Soomaaliya oo sanadkii hore ee 2011 ku gudubtay imtixaanka dhowridda shuruucda xuquuqda aadanaha ayaa waxay si dhab ah u dooneysaa in ay dhaqangeliso shuruucda dhowridda xuquuqda aadanaha, kaasi oo dal kasta oo caalamka guudkiisa ku yaalla la marsiiyo Imtixaan ah sida uu u dhaqangeliyay shuruucda Xuquuqul-Insaanka.

12/21/2012 2:23 PM EST
Jimco, December 21, 2012(HOL): Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa booqasho ku tegay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, halkaasi oo uu ku tegay casuumaad rasmi ah oo uu ka helay madaxweynaha dalkaas.

12/21/2012 3:57 AM EST
Jimco, December 21, 2012 (HOL) — Xildhibannada haweenka ah ee ku jira baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda uga furmay kulan socon doonaa saddex maalmood, kaasoo billowday shalay oo Khamiis ahayd.

12/21/2012 3:45 AM EST
Jimco, December 21, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha maaliyadda iyo qorsheynta u magacaabay Abuukar Sheekh Cabdi Ibraahim, kaddib markii uu xilkaas iska casilay mas'uulkii horay loogu magacaabay oo ahaa Abuukar Xasan Cali.

12/21/2012 3:16 AM EST
Jimco, December 21, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad xalay ka dhacday xarunta madaxtooyada Somalia ku dalacsiiyay sagaal sarkaal oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka.

12/21/2012 3:15 AM EST
Jimco, December 21, 2012 (HOL) — Iyadoo ay xukuumadda Puntland ku howlan tahay taaba gelinta geedi socodka Dimuqraadiyadda iyo hirgelinta nidaamka axsaabta badan, ayaa waxaa dhowrkii todobaad ee ugu danbeeyey isa soo tarayey tirada urarada siyaasadda ee lagu dhawaaqy.