9/27/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 21, 2012
Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya oo kulmay (SAWIRRO)


Jimco, December 21, 2012(HOL): Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa booqasho ku tegay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, halkaasi oo uu ku tegay casuumaad rasmi ah oo uu ka helay madaxweynaha dalkaas Mwai Kibaki.

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa markii uu gaaray caasimadda Kenya waxaa uu la kulmay dhiggiisa dalka Kenya Mwai Kibaki, kaasi oo ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal, gaar ahaan howlgallada ciidmada Kenya ee dalka Soomaaliya iyo weliba dhibaatooyinka ay dadka Soomaaliyeed ku qabaan Magaalada Nairobi, gaar ahaan Xaafadda Islii oo ay Soomaalida ku heystaan ganacsi baaxad leh.

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha iyo Dowladda Kenya dadaalka ay ka geysteen xasilinta gobolka geeska Afrika, “ Mudane aragtidada fog, geesinimadaada, waayo aragnimada aad leedahay waxey keyd u tahay nabada, xasilnaanta iyo degenaashada Gobolka waxaana ku rajeynayaa guul”ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

 


Waa markii ugu horreysay oo uu madaxweynaha Soomaaliya booqdo dalka Kenya tan iyo markii loo doortay xilka madaxweynenimada, waxaase xusid mudan in uu horay u booqday dalalka Jabuuti, Uganda iyo Itoobiya oo iyana Soomaaliya ay ciidamo ka joogaan dalka Soomaaliya.

 

Booqashada Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo nabadgelyo darrada ka jirta Magaalada Nairobi, gaar ahaan Islii ay faraha ka baxday, isla markaana ay qaraxyo dhowr ah  ka dhaceen, iyadoo mar kasta oo qaraxyo dhacaanna la qabqabto Soomaali badan oo Nairobi ku nool.


 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]













Click here
12/21/2012 4:53 PM EST
Jimco, December 21, 2012(HOL): Dowladda Soomaaliya oo sanadkii hore ee 2011 ku gudubtay imtixaanka dhowridda shuruucda xuquuqda aadanaha ayaa waxay si dhab ah u dooneysaa in ay dhaqangeliso shuruucda dhowridda xuquuqda aadanaha, kaasi oo dal kasta oo caalamka guudkiisa ku yaalla la marsiiyo Imtixaan ah sida uu u dhaqangeliyay shuruucda Xuquuqul-Insaanka.

12/21/2012 2:50 PM EST
Jimco, December 21, 2012 (HOL) - Madaxweynaha JF Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa boooqasho labo maalmood qaadanaysa ku maraya Dalka Kenya.

12/21/2012 3:57 AM EST
Jimco, December 21, 2012 (HOL) — Xildhibannada haweenka ah ee ku jira baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda uga furmay kulan socon doonaa saddex maalmood, kaasoo billowday shalay oo Khamiis ahayd.

12/21/2012 3:45 AM EST
Jimco, December 21, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha maaliyadda iyo qorsheynta u magacaabay Abuukar Sheekh Cabdi Ibraahim, kaddib markii uu xilkaas iska casilay mas'uulkii horay loogu magacaabay oo ahaa Abuukar Xasan Cali.

12/21/2012 3:16 AM EST
Jimco, December 21, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad xalay ka dhacday xarunta madaxtooyada Somalia ku dalacsiiyay sagaal sarkaal oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka.

12/21/2012 3:15 AM EST
Jimco, December 21, 2012 (HOL) — Iyadoo ay xukuumadda Puntland ku howlan tahay taaba gelinta geedi socodka Dimuqraadiyadda iyo hirgelinta nidaamka axsaabta badan, ayaa waxaa dhowrkii todobaad ee ugu danbeeyey isa soo tarayey tirada urarada siyaasadda ee lagu dhawaaqy.