4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 21, 2012
Kulan Haweenka Xidhibaannada Soomaaliyeed uga furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda
Jimco, December 21, 2012 (HOL) — Xildhibannada haweenka ah ee ku jira baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda uga furmay kulan socon doonaa saddex maalmood, kaasoo billowday shalay oo Khamiis ahayd.

Kulankan oo uu soo qabanqaabiyay xafiiska jinsiga ee AMISOM ayaa waxaa inta uu socdo looga hadli doonaa doorka haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin baarlamaanka iyadoo inta uu socdo ay haweenku isdhaafsan doonaan doodo fara badan.

Ajandayaasha ay ka doodi doonaan haweenka xildhibaannada ah ayaa waxaa ka mid ah: in haweenku ay isdhaafsadaan khibradahadooda ku aaddan sidii loogu qaybsamay beelaha iyo su'aalo kale oo dhibaatooyinkii uu dalku soo maray ka mid ah.

Kulankan ayaa waxaa furay ergayga cusub ee Ururka Midowga Afrika uu dhawaan u magacaabay arrimaha Soomaaliya, Saalax Annadif, waxaana hadallo ka jeediyay mudanayaal ka socday baarlamaanka Uganda iyo ku xigeenka guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Mahad Cawad.

Mane Axmed iyo Nafiso Santuur ayaa daadihinaya howsha inta uu kulanku socdo, waxaana kulankan uu noqonayaa kii ugu horreeyay oo haweenka ku jira golaha shacabka Soomaaliya loo qabto si ay isku dhaafsadaan fikradahooda.

Haweenka Soomaaliyeed ayaa waxay sheegaan inaan laga siin baarlamaanka saamigii ay ku lahaayeen oo ahaa 30%, iyagoo sheega in la siiyay 14%, waxayse sheegeen inay dadaal ugu jiraan sidii saamigooda loogu dhameystiri lahaa.

Xafiiska jinsiga ee AMISOM (AMISOM Gender Office) ayaa horay Muqdisho ugu qabtay kulan looga hadlayay sidii haweenka Soomaaliyeed ay kaalin muuqata ugu yeelan lahaayeen hoggaaminta iyo siyaasadda dalka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya