4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 20, 2012
Kooxo Hubeysan oo Saddex Ruux Ku Dilay Magaalada Gaarisa

Khamiis, 20, 12 2012 (HOL) Saddex ruux ayaa lagu toogtay oo geeriyootay labo dhacdo oo kala duwan caawa gudaha degmada Gaarisa ee Xarunta gobolka Waqooyi Bari, sida ay xaqiijinayaan dad ku dhaqan deegaanka Gaarisa.

Labo kamida shaqaalaha Bangiga dowladda ayaa markii hore lagu toogtay oo ku dhintay meel u dhaw goob lagu caweeyo oo lagu magacabaao DRC Club, halka qofka saddexaad oo u shaqeynayay wasaaradda warfaafinta Kenya lagu dilay wadada Kenyatta Avenue ee magaalada Gaarisa.

Rag hubeysan oo aanan weli la aqoonsan ayaa fuliyay falkan toogashada ah iyadoona sidoo kale ruux kale oo ay soo gaareen dhaawacyo loola cararay isbitaalka guud ee degmada Gaarisa halkaasi oo lagu daweynayo sida uu sheegayo wariyaha Standard uga soo  warama Gaarisa.

Labada dhacdo ayaa dhacay wakhti aad isugu dhaw iyadoona ay ka dhaceen laba goobood oo isu jira waxka yar 300 mitir, waxa uuna falkani cadeyayaa in weeararo qorshaysan lagu abaarayo saraakiisha ammaanka iyo shaqaalaha dowladda Kenya.

Inkastoo Kenya ay soo dhex dabaalanaysay weeraro qorsheysan, qaraxyo iyo bam gacmeedyo ka dhaca gudaha Kenya tan iyo intii ay ciidankeeda u dirtay Soomaaliya si ay ula dagaalanto al-Shabaab, balse haddana ma muuqata cidda dhabta ah ee fulineysa weeraradan iney tahay al-shabaab iyo iney jiraan gacmo saddexaad oo xasilooni darro ka abuuraya Kenya iyagoo ka faa'ideysanaya fursadaha jira.

Cabdiqafaar Shire
Hiiraan Online
Nairobi, Kenya