4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 20, 2012
Taliska Booliiska Puntland ee Gobolka Mudug oo ka Warbixiyey Qaraxyo Xalay ka dhacay Gaalkacayo iyo Miinooyin ay qabteen
Khamiis, December 20, 2012 (HOL) — Taliska ciidamada Booliska Puntland ee gobolka Mudug ayaa ka warbixiyey qaraxyo xalay ka dhacay magaalada Gaalkacayo iyo howlgal ay ciidamadu sameeyeen oo dad lagu soo qabtay.

Taliye ku-xigeenka ciidamada Booliska ee gobolka Mudug oo maanta war-baahinta la hadlay ayaa sheegay in Bunbooyin nooca gacanta laga tuuro ah xalay lagu soo weerary saldhig ay ciidamadu ku leeyihiin xaafadda Garsoor.

Wuxuuna intaas ku daray in qaraxyadaas aysan cidna wax ku noqon, isagoo xusay in baaritaan ay ciidamadu goobta ka sameeyeen qaraxa kadib, ay kusoo qabteen nin looga shekiyey in uu falkaas ku lug leeyahay.

“Iskuulkii umadda agtiisa meel ah oo aan ka sameyney barkantarool ayaa waxaa lagu soo tuuray Bunbooyinka gacanta, cidina wax kuma noqon” Taliyaha ayaa yiri.

Dhinaca kale wuxuu intaas raaciyey in ciidamadu ay qabteen Bumbo lagu qariyey meel kudhow goobta ay xalay qaraxyadu ka dhaceen, isagoo tilmaamay in ay ku raadjoogaan dad looga shekisan yahay in ay arintan wax ka ogaayeen.

Taliska Booliska Puntland ee Mudug ayaa ugu danbeyntii ugu baaqay bulshada gobolka in ay gacan ka geystaan sidii ammaanka loo sugi lahaa, maadaama aysan ciidamadu shaqadooda si fiican uga soo bixi Karin hadii aysan helin taageerada dadweynaha.

Inkasta oo qaraxyada xalay magaalada Gaalkacayo ka dhacay aysan wax khasaare ah geysan, waxaa hadana si weyn looga dareemay dhamaan magaalada, waxayna kusoo aadayaan xilli amaanka Gaalkacayo uu bilihii u danbeeyey ahaa mid aad u wanaagsan.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya