4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 2 , 2012
Xafiiska HOL ee Magaalada London oo Booqday Xarunta Laga Maamulo Howlgallada Ka Dhanka ah Burcad Badeedda Soomaaliya (Warbixin)

Axad, December, 02, 2012 (HOL) --  Maalintii Khamiista bishuna ahayd 29/11/2012 ayay Hiiraan Online u suurto gashay in ay booqato xarunta laga maamulo howlgalka ka dhanka ah burcad badeedda xeebaha Soomaaliya.

Xaruntu waxay ku taallaa dalka Ingiriiska waxaana ka howlgala saraakiil ku xeel dheer cilmiga badaha oo ay ka mid yihiin:

 Rear Admiral Dunkan L . Potts  (Operation Commander EU Naval Force)

 Rear Admiral Gualtiero Mattesi     (Deputy Operation Commander EU Naval Force)

Rear Admiral(LH) Enrico Credendino ( Force Commander EU Naval Force)

Waxaa ka soo qeybgalay jornalistayaal madax bannaan oo ay ka mid ahaayeem : Bloomberg shipping, Agence Europe, Defence Editor, Sunday Express, Royal Navy, British Force Broadcasting Services(BFBS)

Waxaa si qotto dheer uga warbixiyay howlihii ay soo qabteen sarkaal ka tirsan kuwa fuliya howlaha la dagaallanka burcad badeedda. Waxaanu runtii noo guud maray sida ay shaqadu isu soo taraysay,  iyadoo marba marka ka dambeeysa la arkayey xassilloonida ku soo korodhay galbeedka Badweeynta Hindiya oo ku aaddan xeebaha dalka Somalia. Sarkaalka ayaa noo sheegay in ay ka howl galaan bad baaxaddeedu dhantahay 2.5 million square miles isagoo adeegsanayay kaartooyin uu horay u soo diyaarsaday.

Mar uu ka hadlayay sida ay ku bilaabattay burcad badeedda iyo heerka ay manta joogto, ayuu noo caddeeyay in 2008 ay ku koobnaayeen meelo u dhow dhulka Somalia, laakin sanooyinkii 2009, 2010, 2011 ay gaareen meelo ka fog xeebaha Soomaaliya, taasoo wel-wel ku abuurtay isu socodka maraakiibta ganacsiga.

Lacaga madaxfurashada loo bixiyay & Maraakiibta la qabsaday

Sannadka

Maraakiibta la qabsaday

Lacagaha la bixiyay

2008

Lama oga

Lama oga

2009

46

4 million

2010

47

80 million

2011

25

147 million

2012

5

36 million

 

Inta ka dib waxaa furmay su’aalihii wariyaasha , waxaana ku hormaray HOL

 HOL: Ma ku tala jirtaan in aad tababartaan ciidammo Somaliyeed oo la wareega howsha aad heysaan ?

Rear Admiral Dunkan L . Potts  :  Haa waan ku tala jirnaa, horay ayaan u bilownay in aan tababarno ciidammo Somaliyeed, illaa iyo hadda waxaan tababarnay ciidammo gaaraya 3000 welina waan wadnaa howsha.

HOL:  Burcad badeeddu kama dhalan badda ee waxaa jira meelo ay ka soo duulaan oo dhulka ah, qorsha ma idiinku jirtaa in aad dhulkana kala dagaashaan intaanay badda soo gaarin?

Rear Admiral Dunkan L . Potts:  Maya, maxa yeelay annagu mandate uma heysanno in aan aadno dhulka Soomaaliya, laakin waxaan isku dayeeynaa in aan si dadban wax uga qabanno, taasoo ah in aan shaqo u abuurno dhallinyarada Somaliyeed. Waxaan ku bixinnay maal gelin dhan 85 million si loo helo wax dhallinyarada lagu mashquuliyo oo inta badan in la dhisso aqoontooda lana tusso qaab wanaagsan oo ay ku xogsan karaan kuna ilaashan karaan sharaftooda

HOL:  Soomaalida intooda badan waxey isweeydiiyaan wiil yar oo aan lahayn aqoon saa u sii duruqsan waxa u fududeeyay in uu qabsado markab baaxadda leh. Ma aaminsatahay in ay arrimahaan ka dambeeyaan dad kale?

 Rear Admiral Dunkan L . Potts  :  Waa su’aal iman karta, mana aha wax igu cusub oo horaan annaguba isu weeyddiinnay, waxaanba isleeyahay dadbaaba deyn ku sii siiya lacagaha lagu iibasanyo qalabka u fududeeynayo in lagu fuliyo missionnada saa u waaweyn, laakin haddaa wey arkeen in awood ka weeyn meesha soo gashay. Sanndkan waxaa si aad ah hoos ugu dgacay maraakiibtii la afduubayay

[email protected]

UK London