4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 18, 2012
Xarakada Al-shabaab oo boqolaal dagaalyahannadeeda ka tirsan tababar ugu soo xirtay Degmada Buulo-burte
Talaado, December 18, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa boqolaal ka tirsan xoogaggeeda tababar ugu soo xirtay saldhig ay ku leeyihiin degmada Buulo-burte oo lagu magacaabo Khaalid Bin Waliid, waxaana guutadan loogu magac-daray mid ka mid ah hoggaamiyeyaashii Al-Qaacida ee la dilay Abuu-Yaxye Al-Liibi.

Sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo la hadlay ciidamada ayaa u sheegay inay qayb ka noqon doonaan dagaallada lagula jiro ciidamada dowladda iyo kuwa ciidamada ay gacanta ka helaan ee AMISOM iyo Itoobiya.

"Tababarka lasoo xiray wuxuu socday muddo sannad ku dhow, waxayna xoogaggu ku barteen sida loola dagalaamo cadowga iyo sida loo qaado dagaallada gaadmada ah," ayuu yiri sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo ciidamadii tababarka loosoo xiray la hadlayay.

Ciidamada tababarka loosoo xiray oo wajiyada ay u qarsanaayeen ayaa waxay soo bandhigeen gaaddo-ka-ciyaar ay ku muujinayaan tababarkii ay qaateen, waxaana xirtaanka tababarkan uu imaanayaa iyadoo Al-shabaab dhul ballaaran oo ay ka talin jirtay laga qabsaday, kuwaasoo ay ka mid yihiin degmooyinka Baladweyne iyo Jowhar.

Saldhiggan ayaa waxaa sannadkii hore tababar noocan oo kale ah loogu soo xiray guuto kale oo ay ugu magac-dartay Al-shabaab hoggaamiye ka tirsanaa Al-Qaacida oo lagu magacaabi jiray Abuu-Cammaar, kuwaasoo la sheegay inay ka howlgalaan deegaanno ka tirsan Soomaaliya.

"Qof walba oo muslim ah waxaa saaran waajib ah inuu u diyaar-garoobo difaaca diinta Islaamka, maadaama loo baahan yahay qofka muslimka ah inaanu u muuqan mid jilicsan oo aan iska celin karin cadowga Islaamka," ayay yiraahdeen saraakiil ka hadlay xiritaanka tababarka.

Al-shabaab oo u muuqata inay awood ahaan laciiftay ayaa waxay sannadihii lasoo dhaafay isku dayaysay inay af-gambiso dowladda Soomaaliya, balse awooddo dhinaca ciidamada ah oo ay la kulantay kaddib ay isaga baxday deegaanno badan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya