9/23/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 18, 2012
Goleyaashii Deegaanada oo iska-dhex Dooranaya Guddoomiyeyaal iyo Muran ka taagan Magaalooyinka Qaarkood
Talaado, December 18, 2012 (HOL) — Golaha Deegaanka ee degmadda Ceerigaabo ee gobolka Sanaag ayaa dib u doortay maayarkii hore ee degmadaasi Xildhibaan Ismaaciil Xaaji Nuur iyo maayar ku xigeen cusub  Xildhibaan:Saalax Yuusuf Cabaase.

Kal-fadhigan ugu horeeyey ee ay yeeshaan golaha deegaanka ee degmadda Ceerigaabo ayaa waxa ka dhashay khilaaf ka dib markii Xildhibaanaddii xisbiga taladda haya ee KULMIYE aanay ka soo qaybgalin madashii lagu dooranayey maayarka cusub, haseyeeshee 11 xildhibaan ayaa xilkaasi u doortay maayarka dib loo soo doortay, halka toban xildhibaan ka maqnaayeen goobtaasi lagu doortay maayarka iyo maayar ku xigeenka cusub, waxaanay xildhibaanada aan ka qaybgalin fadhigaasi doorashadaasi ku tilmaameen mid sharci daro ah  oo aan sharciga waafaqsanayn.

Wasaarada Arrimaha gudaha Somaliland ayaa soo amartay in aan shirkaasi la qaban, isla markaana laba cisho ka dib fadhi ay ku doortaan maayarka iyo ku xigeenkiisa qabsadaan, haseyeeshee, maayarkan la doortay ayaan u joojin amarkaasi, waxaanu maayarka cusub markii la doortay ka dib sheegay in 11 xildhibaan buuxinayaan kooramkii laga rabay inay doorasho ku dhacdo, isla markaana aanay cidi ka joojinayn fadhigooda, waxaanu eedeen usoo jeediyey qaar kamid ah xukuumada gaar ahaan wasiiro uu sheegay inay farogalin ku hayaan golaha deegaanka Degmada Ceerigaabo, isagoo madaxweynaha ku codsaday in wasiiradaasi wax laga qabto, inkastoo aanu magac dhabin wasiirada kuwa ay yihiin.

Maayarkan dib loo doortay Ismaaciil Xaaji Nuur ayaa ahaa maayarkii hore ee Magaaladda Ceerigaabo, oo degmadaasi xukumayey muddo toban sanno, waxaanay xildhibaanada cusubi dib usoo doorteen isla maayarkii hore, waxaanu maayarkan cusubi ka soo baxay ururka mucaaradka ah ee WADANI, taasina waxay muujinaysaa in maayarkii uu xisbiga kulmiye doonayey inuu xisbigoodu yeesho laga codbatay, isla markaana urur kale oo mucaarad ahi ku soo baxo  maayarnimadii.

Sidoo kale, golaha deegaanka ee Burco ayaa iyaguna doortay maayar iyo maayar ku xigeenka ka soo kala jeedda ururadda RAYS IYO Ururka UMMADDA, waxaana suurogal ah in magaalooyinka kalana xisbiga taladda haya lagaga awood roonaado haddii lixda urur ee kale xildhibaanaddii usoo baxay ku heshiiyaan maayarka iyo maayar ku xigeenka, maadama oo marka lixda urur la isku ku geeyo ay ka codad badan yihiin xisbiga taladda haya ee KULMIYE, inkastoo uu kulmiyo ku dadaalayo in maayarka magaalooyinku ay noqdaan xildhibaanno ka soo jeedda xisbigoodda.

Dhinaca kale, waxa isna maayarnimadii degmada Laascaanood uu ka hayey maalintii Axaddii iska casilay maayarkii laascaanood Faarax Cabdilaahi, waxaanu sheegay in sababo caafimaad darteed uu xilkaasi iskaga casilay.

Maayirkan Laascaanood ayaa sheegay in mudaddii uu joogay wax badan ka qabtay magaaladda, isla markaana mashaariic horumarineed ka fulayey magaaladda Laascaanood.

Haseyeeshee, golaha Deegaanka oo iscasilaadaasi maalin ka dib yeeshay kal-fadhigioodii ugu horeeyey ayaa ku doortay maayar iyo maayir ku xigeen cusub, waxaanay maayarka cusub u doorteen Cabdiqaadir Jaamac, halka ku xigeenka loo doortay Nuuradiin C/raxmaan.

Magaaladda Laascaanood ayaa noqonaysa markii ugu horaysay ee gole deegaan oo shacabka degmaaasi soo doortay uu yeesho, halka maayaradii hore madaxweynuhu usoo magacaabi jiray magaaladda Laascaanood.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland












Click here
12/18/2012 2:27 PM EST
Talaada, December 18, 2012 (HOL)- Ugu yaraan 50-qof oo tahriibayaal ah ayaa geeriyoodey, kadib markii ay dooni kula degtey deegaanka Mareera oo dhowr KM ka durugsan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Meydadka 18-qof oo dadkaas kamid ah ayaa ka soo caariyey xeebta, waxaa sidoo kale nolol lagu helay 4-qof, iyadoo ilaa iyo hadda la la'yahay dad ka badan 30.

12/18/2012 8:03 AM EST
Talaado, December 18, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa boqolaal ka tirsan xoogaggeeda tababar ugu soo xirtay saldhig ay ku leeyihiin degmada Buulo-burte oo lagu magacaabo Khaalid Bin Waliid, waxaana guutadan loogu magac-daray mid ka mid ah hoggaamiyeyaashii Al-Qaacida ee la dilay Abuu-Yaxye Al-Liibi.

12/18/2012 7:17 AM EST
Talaado, December 18, 2012 (HOL) — Mas'uuliyiinta maamulka Somaliland ayaa ku dhawaaqay inay diyaar u yihiin inay lasii wadaan dowladda Somalia wadahadalladii billowday bishii Feberaayo ee sannadkan, kuwaasoo looga hadlayay sidii go'aan mideysan looga gaari lahaa mustaqbalka siyaasadda Soomaaliya.

12/18/2012 6:58 AM EST
Talaado, December 18, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo kasoo laabtay dalka Jabuuti ayaa maanta kula kulmay xafiiskiisa ergayga Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya, Maxamed Saalax Aanaadiif, isagoo kala hadlay howgallada AMISOM.

12/18/2012 3:58 AM EST
Isniin, December 17, 2012 (HOL) —Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaalya ayaa sheegay in ay sugeen ammaanka wadada dheer ee isku xirta magaalooyinka Afgooye iyo Marko oo marar ay xoogagga Al-shabaab ka geeysteen weerrro dhabbagal ah.

12/18/2012 3:00 AM EST
Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, kuwa raaskaambooni iyo Militariga Kenya oo iskaashanaya ayaa saaka aroortii si nabadgelyo ah kula wareegay jaziiradda Kudhaa....