8/8/2022
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 18, 2012
Ciidamada Huwanta ah oo si Nabadgelyo ah kula Wareegay Jaziiradda Kudhaa ee Gobolka Jubada Hoose

Isniin, December 17, 2012 (HOL) —Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, kuwa raaskaambooni iyo Militariga Kenya oo iskaashanaya ayaa saaka aroortii si nabadgelyo ah kula wareegay jaziiradda Kudhaa oo qiyaastii 180 KM dhanka koonfur galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubada hoose.

Ciidamada huwanta ah oo aad u qalabeysan ayaa shalay gelinkii danbe kasoo ruqaansaday fariisin ay ku lahaayeen deegaanka Buurgaabo oo waxyar ku jirta Jaziiradda Kudhaa.

Saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka Jubada hoose oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aysan jirin wax dagaal ah oo halkaasi ka dhacay xilligii ay la wareegayeen.

Ciidamada huwanta ah ayaa saaka marka ay gudaha u galeen deegaankaasi waxa ay fariisimo ka sameysteen gudaha iyo daafaha, waxaana xaaladda deegaanka ay tahay mid dagan.

"Al-shabaab xalay ayay magaalada isaga baxeen, saaka aroortiina waxa soo galay ciidamada dowaldda iyo kuwa Kenya," sidaa waxa yiri goobjooge ku sugan deegaanka Kudhaa oo HOL u waramay.

Ilaa imika ma jiro wax war ah oo arintaasi ku saabsan oo kasoo baxay dhanka masuuliyiinta Al-shabaab ee gobollada Jubooyinka.

Deegaanka Kudha ayaa sanadihii waxa gacanta ku hayay xoogagga Al-shabaab, waxaana ka bixitaankooda deegaankani uu kusoo beegmaya xilli dhawaan ay Al-shabaab isaga baxday degmada Ufurow ee gobolka Bay.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
12/18/2012 2:27 PM EST
Talaada, December 18, 2012 (HOL)- Ugu yaraan 50-qof oo tahriibayaal ah ayaa geeriyoodey, kadib markii ay dooni kula degtey deegaanka Mareera oo dhowr KM ka durugsan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Meydadka 18-qof oo dadkaas kamid ah ayaa ka soo caariyey xeebta, waxaa sidoo kale nolol lagu helay 4-qof, iyadoo ilaa iyo hadda la la'yahay dad ka badan 30.

12/18/2012 8:03 AM EST
Talaado, December 18, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa boqolaal ka tirsan xoogaggeeda tababar ugu soo xirtay saldhig ay ku leeyihiin degmada Buulo-burte oo lagu magacaabo Khaalid Bin Waliid, waxaana guutadan loogu magac-daray mid ka mid ah hoggaamiyeyaashii Al-Qaacida ee la dilay Abuu-Yaxye Al-Liibi.

12/18/2012 7:17 AM EST
Talaado, December 18, 2012 (HOL) — Mas'uuliyiinta maamulka Somaliland ayaa ku dhawaaqay inay diyaar u yihiin inay lasii wadaan dowladda Somalia wadahadalladii billowday bishii Feberaayo ee sannadkan, kuwaasoo looga hadlayay sidii go'aan mideysan looga gaari lahaa mustaqbalka siyaasadda Soomaaliya.

12/18/2012 6:58 AM EST
Talaado, December 18, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo kasoo laabtay dalka Jabuuti ayaa maanta kula kulmay xafiiskiisa ergayga Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya, Maxamed Saalax Aanaadiif, isagoo kala hadlay howgallada AMISOM.

12/18/2012 6:42 AM EST
Talaado, December 18, 2012 (HOL) — Golaha Deegaanka ee degmadda Ceerigaabo ee gobolka Sanaag ayaa dib u doortay maayarkii hore ee degmadaasi Xildhibaan Ismaaciil Xaaji Nuur iyo maayar ku xigeen cusub Xildhibaan:Saalax Yuusuf Cabaase.

12/18/2012 3:58 AM EST
Isniin, December 17, 2012 (HOL) —Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaalya ayaa sheegay in ay sugeen ammaanka wadada dheer ee isku xirta magaalooyinka Afgooye iyo Marko oo marar ay xoogagga Al-shabaab ka geeysteen weerrro dhabbagal ah.