Isniin, December 17, 2012 (HOL) — Ciidamada ammaanka dalka Kenya ayaa maanta buuxiyay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi halkaasoo ay baaritaanno kawadaan, iyadoo la sheegay in ka badan 30-qof lagu qabqbatay baaritaannadaas.
Xaafadda Islii oo ay Soomaalidu degto ayaa jawigeedu si weyn uga bedelan yahay sidii uu ahaa jiray, iyadoo ay xiran yihiin goobaha ganacsiga, sidoo kalena aan jirin isku socodkii gaadiidka ee horay uga jiri jiray.
"Maanta baaritaanno ayaa ka socda xaafadda Islii, waxaa xiran goobihii ganacsiga intooda badan, sidoo kale waxaa aad u yar isku socodka gaadiidka iyo dadka," ayay HOL u sheegay Ubax Maxamed oo ka mid ah dadka ku nool xaafadda Islii.
Baaritaannada ay ciidamadu sameynayaan ayay ku raadinayaan dadka aan haysan sharciga, kuwaasoo aan la ogeyn go'aanka ay dowladdu ka qaadanayso iyadoo la xusuusto in dhawaan waaxda arrimaha qoxootiga Kenya ay ugu baaqday dadka aan sharciyada haysan iyo qoxootiga inay dib ugu laabtaan xeryaha Dhadahaab iyo Kaakumo.
Dhanka kale, waxaa soo kordhaya khasaarihii ka dhashay qaraxyadii xalay dhacay xaafadda Islii, iyadoo wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in saddex qof ay ku dhinteen in ka badan toban qof oo kalena ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen.
Weerarradan oo ahaa kuwo is-xigay ayaa waxay ka dhaceen baar ay dad badan ku sugnaayeen, waxaana weerarradan ay imaanayaa iyadoo toddobaadyo ka hor ay ka dhaceen xaafaddaas qaraxyo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Saraakiisha booliiska dalka Kenya ayaa sheegay in weerarradii xalay ay u qabteen dhowr qof oo Soomaali ah iyo nin Yemeni ah kuwaasoo ay aad uga shakisan yihiin ayna socdaan baaritaanno lagu xaqiijinayo dambiga lagu tuhmayo.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Ciidamada Ammaanka Kenya oo Baaritaanno ay dad badan ku qabqabteen ka wada Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi
More News
- Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo ka warbixiyay Sababtii keenay in wasaarad walba uu u magacaabo laba wasiir ku-xigeen
- Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo ka Hadlay Munaasabad weyn oo lagu Xusayay Qoraalka Farta Soomaaliga
- Al-shabaab oo sheegtay in Abuu-Mansuur Al-Amriiki uusan ku hadli karin magaca Dagaalyahannada Ajnabiga ah
- Kooxo hubeysan oo Agagaarka Suuqa Bakaaraha ku dilay sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Nabadsugidda Dowladda Soomaaliya
- Xuska Sanad-guuradii 40-aad ee kasoo Wareegtay qoraalka Afka Soomaaliga oo Maanta lagu qabanayo dalka Jabuuti
- Ciidamada Ammaanka Puntland oo gacanta ku dhigay gaari sahay kala duwan u siday Xoogagga Al-shabaab ee Buuraleyda Golis
- Faahfaahin dheeraad ah oo kasoo baxaysa Qaraxyo ka dhacay Xaafadda Islii (Eastleigh) ee Magaalada Nairobi
- Baarlamaanka Puntland oo Cod Aqlabiyad ah ku Ogolaaday Xeerka Furashada Xarumaha Caafimaadka iyo kan Isticmaalka Bacaha