4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 17, 2012
Ciidamada Ammaanka Puntland oo gacanta ku dhigay gaari sahay kala duwan u siday Xoogagga Al-shabaab ee Buuraleyda Golis


Isniin, December 17, 2012 (HOL) — War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda amniga ee Puntland oo nuqul ka mid ahi uu soo gaarey shabakadda HOL ayaa lagu sheegay in ciidamada Puntland ay gacanta ku dhigeen sahay ku socotay xoogagga Al-shabaab ee ku sugan buuraleyda Galgala ee gobolka Bari.

Gaari uu noociisu yahay Toyota-Dyna, islamarkaana sidey rar isugu jira: raashin, daawo iyo agab kale, ayaa war-saxaafaeedka lagu xusay in lagu qabtay kantaroolka magaalada Boosaaso, waxaana sidoo kale la sheegay in la qabtay wadihii gaariga, baaritaanna uu ku socdo.

Rarka uu gaarigani sidey ayaa ka koobnaa:
40-kiish oo isuguna jira: Bur, Bariis iyo Sonkor.
11-kartoon oo Baasto ah.
Daawo isugu jirta: falleenbooyin, irbadaha dhiig joojinta iyo kiniiniyada antibiotics-ka ama qallajiyeyaasha ah.
48-joog oo kabo ah.

Ma ahan markii ugu horeysey ee laamaha ammaanka ee Puntland ay soo bandhigaan sahey la sheegay in ay ku socotey xoogagga Al-shabaab ee uu fadhigoodu yahay buuraleyda Golis, haseyeeshee bishii Febaraayo ee sanadkan dabayaaqadeedii ayey ahayd markii sidan oo kale loo soo bandhigay gaari nooca xamuulka qaada ah oo ku rarnaa raashin iyo agab kale, islamarkaana la sheegay in uu kusii jeedey dhinaca Galgala iyo sadex nin oo watey.

Arintan ayaa kusoo aadeysa xilli uu dhowaan dagaal khasaare badan geystey ciidamada ammaanka Puntland iyo Al-shabaab ku dhex maray deegaanka Sugurre oo koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya