9/23/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 9 , 2012
Qarax Ciidamada Itoobiya lagula eegtay Magaalada Baladweyne iyo Rasaas ay fureen oo dhimasho Sababtay
Khamiis, Ogoosto 09, 2012 (HOL) — Hal qof oo rayid ah ayaa ku dhintay rasaas ay fureen ciidamada Itoobiya kaddib markii qarax miino saakay ciidamadaas oo howgal ku jira lagula eegtay xaafadda Irid Aamin ee degmada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.

Qaraxan oo ahaa miino ayaa waxaa si weyn looga maqlay gudaha Baladweyne oo xilligaas aysan ka jirin wax dhaqdhaqaaqyo ah, lamana oga khasaaraha kasoo gaaray ciidamada Itoobiya weerarkaas qaraxa ah ee lala beegsaday.

Goobjoogayaal ku sugan Baladweyne ayaa u sheegay HOL in qaraxa kaddib ay fureen ciidamada Itoobiya rasaas aad u fara badan, taasoo sababtay inuu qofka rayidka ah ku dhinto.

Degmada Baladweyne oo ah xarunta gobolka Hiiraan ayay ciidamada Itoobiya ka sameeyaan subax walba baaritaanno, iyadoo mas'uuliyadda qaraxa maanta ay sheegatay Xarakada Al-shabaab oo sarkaal u hadlay uu sheegay inay ku dileen askar Itoobiyaan ah.

Maamulka gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaan ka hadlin qaraxii saakay lagu weeraray ciidamada Itoobiya, iyadoo sidoo kalena aan looga baran saraakiisha Itoobiya inay ka hadlaan qaraxda lala beegsado.

Xaaladda degmada Baladewyne ayaa hadda deggen iyadoo ay ciidamada Itoobiya ku qaqbqabteen baaritaano ay sameeyeen dad fara badan, inkastoo ay qaar ka mid ah ay markii dambe iska sii daayeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya











Click here
8/9/2012 8:19 PM EST
Jimco, August 10, 2012-Kulan ay guddiga amniga qaranka maanta ku yeesheen xarunta madaxtooyada oo uu shir guddoominayay madaxweynaha dowladda Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa laga soo saarat go’aanno ku saabsan ammaanka dalka iyo marxaladda dalku marayo.

8/9/2012 10:34 AM EST
Khamiis, Ogoosto 09, 2012 (HOL) — Warsaxaafadeed ay soo saareen 13-murashax oo ka mid ah kuwa u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya ayaa waxay kusoo ban-dhigeen inay ku dhiseen isbahaysi ay ugu magacdareen isbahaysiga isbedel-doonka Qaranka, iyagoo sheegay inay hal xubin u dooran doonaan ka qaybgala doorashada dhacaysa 20-ka bishan.

8/9/2012 9:31 AM EST
Khamiis, Ogoosto 09, 2012 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha DKMG Soomaaliya. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa sheegay inay si weyn u adkeyn doonaan ammaanka Muqdisho inta lagu jiro doorashooyinka; isagoo xusay in ciidamada qalabka sida ay diyaar u yihiin xaqiijinta ammaanka goobaha ay doorashooyinku ka dhacayaan.

8/9/2012 9:20 AM EST
Khamiis, Ogoosto 09, 2012 (HOL) — Guddiga farasamada ee xulista xildhibaannada cusub ee Soomaaliya ayaa sheegay inay maalinta berri ah ku dhawaaqi doonaan tirada xildhibaannada ay hayaan, iyadoo ay weli jiraan cabashooyin ku aaddan sida lagu xulay xildhibaannada oo ka imaanaysa beelaha qaarkood.

8/9/2012 8:36 AM EST
Khamiis, Ogoosto 09, 2012 (HOL) — Kulan loogu hadlayay sanad-guuradii koowaad ee kasoo wareegatay markii kooxda Al-Shabaab ay ka baxday Muqdisho ayaa lagu qabtay maanta degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir, waxaana looga hadlay arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin waxyaabihii qabsoomay iyo horumarka ay ku tallaabsatay Muqdisho iyo sida loo adkeyn karo ammaanka.

8/9/2012 8:24 AM EST
Khamiis, Ogoosto 09, 2012 (HOL) — Madaxweynaha DKMG Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa degmooyin cusub ku kordhiyay gobollada Bay iyo Bay, iyadoo lagu shaaciyay magacaabista degmooyinkan wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya

8/9/2012 7:32 AM EST
Soomaalida ayaa sannadihii hore ay ku yaraayeen jilitaanka filimada casriga ah, iyadoo la samayn jiray riwaayado lagu soo bandhigo masraxa oo kaliya.

8/9/2012 7:10 AM EST
Khamiis, Ogoosto 09, 2012 (HOL) — Ugaaska beesha Cabdalla oo ka mid ah beesha Direed, C/raxmaan Xaaji Xuseen Ibrahim kana mid ah 135-oday dhaqameed ee soo xulay ergadii ansixisay dastuurka ayaa sheegay in lagu diiday xildhibaanno uu u xulay inay ka mid noqdaan baarlamaanka soo socoda ee Soomaaliya.

8/9/2012 7:00 AM EST
Khamiis, Ogoosto 09, 2012 (HOL) — Ugu yaraan laba qof oo mid ka mid ah uu ahaa askari ayaa ku dhintay rasaas ay ciidammo ka tirsan DKMG ku fureen dad dhigayay dibadbax ay ku taageerayaan imaanshaha ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, iyadoo ay rasaastaas ku dhaawacmeen saddex qof oo kale.

8/9/2012 5:02 AM EST
Khamiis, Ogoosto 09, 2012 (HOL) — Guddoomiye ku xigeenka gobolka Shabeellada dhexe ee dowladda KMG ah, Yuusuf Cabdi Cabdulle ayaa ka badbaaday qarax miino oo xalay fiidkii lagula beegsaday xaafadda Suuqa xoolaha ee degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir.

8/9/2012 4:55 AM EST
Khamiis, Ogoosto 09, 2012 (HOL) — Maxkamad ku taalla dalka Kenya ayaa min 20-sano oo xabsi ah ku xukuntay toddoba dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo lagu helay dambi burcadbadeednimo, iyadoo xukunkan uu qayb ka yahay dadaalka lagula dagaalamayo burcadbadeedda Soomaaliya.

8/9/2012 3:41 AM EST
Khamiis, Ogoosto 09, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saakay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho tan iyo markii uu xilka iska casilay sannadkii hore, isagoo ka mid ah murashaxiinta u tartamaya doorashada madxnimo ee dalka.