Ciidammo Rasaas khasaare geystay ku furay Dadweyne dhigayay Mudaaharaad ay ku Taageerayaan Imaanashaha Farmaajo
Khamiis, Ogoosto 09, 2012 (HOL) — Ugu yaraan laba qof oo mid ka mid ah
uu ahaa askari ayaa ku dhintay rasaas ay ciidammo ka tirsan DKMG ku
fureen dad dhigayay dibadbax ay ku taageerayaan imaanshaha ra'iisul
wasaarihii hore ee Soomaaliya, iyadoo ay rasaastaas ku dhaawacmeen
saddex qof oo kale.
Ciidamada rasaasta furay ayaa markii hore
isku dayay inay kala cayriyaan shacabkii dibadbaxa dhigayay, balse
ciidammo mudaaharaadka la socday ayaa isku-dayeen in ay ka hortagaan
amarkaas, taasoo keentay inay goobta rasaas ka billaabato.
"Askari
ka mid ahaa kuwii la socday dibabaxa iyo nin oday ah ayaa ku dhintay
rasaas ay ciidammo ka tirsan kuwa dowladda ku fureen dad dhigayay
dibadbax ay ku taageerayaan Farmaajo," ayuu yiri mid ka mid ah
goobjoogayaal ku sugnaa isgoyska Sayidka ee waddada Maka-Al-Mukarama oo
uu falkan ka dhacay.
Goobjoogayaal kale, ayaa sheegay in
ciidammada dowladda ee rasaasta furay ay wateen gaari Toyoto ah oo lagu
sharraxay sawirka madaxweynaha DKMG ah ee Soomaaliya, iyadoo aysan
dowladdu weli ka hadlin falkan.
Dibadbaxayaashii ayaa billaabay
inay kala cararaan, iyadoo goobta uu soo gaaray gaari ay wateen
ciidamada nabadsugidda DKMG ah, kuwaasoo dibadbaxayaashii ku wargeliyay
inay goobta isaga tagaan.
Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa soo dhaweeyay dadweyne fara
badan oo uga hortagay garoonka diyaaradaha, waxaana tani ay muujinaysaa
taageerada ay shacabku u hayaan ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya.
Magaalada
Muqdisho ayaa waxaa lagu wadaa inay ka dhacaan doorasho lagu soo dooran
doono madaxweynaha cusub ee Soomaaliya marka la gaaro 20-ka bishan
Ogoosto oo ay naga xigto illaa 11-maalmood.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]Muqdisho, Soomaaliya