3/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 3 , 2012
Col. Caalin oo kasoo horjeestay doorashadii ka dhacday Galmudug (SAWIRRO)

Galmudug7.jpg
Jimco, August 03, 2012 (HOL) - Madaxweynaha xilka kasii dagaya ee Galmudug Maxamed Axmed Caalin ayaa si kulul u weeraray doorashadii ka dhacday Galmudug ee lagu soo doortay Cabdi Qaybdiid.

isagoo ka qaybgalay xaflad lagu qabtay xaafada Islii ee magaalada Nairobi ayuu Caalin ku tilmaamay doorashadaas in tahay mid lagu degdegay.

“Isbitaal ayaan ku jiray, xataa way I sugi waayeen inta xaalkaygu dhinac u dhacayo, arrintaas waa mid lagu doonayo in lagu burburiyo jiritaanka Galmudug” ayuu yiri madaxweynaha Galmudug.

Caalin waxaa uu sheegay  inuu xilka wareejin doono balse ma cadayn cida uu ku wareejinayo, waxaase uu tilmaamay inuu sii wadi doono xal u raadinta khilaafaadka Galmudug, tan iyo inta uu ka dhimanayo sida uu yiri.

Galmudug6.jpg

“Waxaa noo yaalla shaqooyin badan, kamana hakan doono xal u raadinta khilaafka Galmudug, tan iyo inta aan ka dhimanayo”.

Waxaa iyaguna halkaa ka hadlay dadweyne kala duwan oo ka tirsan jaaliyada Galmudug ee dalka Kenya, iyagoo sheegay inay garab taaginyihiin Madaxweyne Caalin, intooda bandanna dhaliilay qaabka loo maamulay doorashadii lagu soo doortay Cabdi Qaybdiid.

Waxayna qaar kamid waxgaradkii halkaa ka hadlay ku baaqeen in xal loo raadiyo khilaafaadka jira oo ay ku eedeeyeen dad ay ku sheegeen inay dano gaar ah leeyihiin.

Khilaafaad ka dhex taagan madaxda sare ee Galmudug ayaa xoogaystay maalmihii lasoo dhaafay, kaasoo ku aadan doorashooyinkii ka dhacay magaalada Gaalkacyo, oo maalmo gudahood ay ka dhacday labo doorasho oo lagu soo kala doortay labo madaxweyne.

Waxayna doorashooyinka ka dhacay Galmudug ay ku soo beegmeen xilli uu isbitaal ku yaal magaalada Nairobi ku jiray madaxweyne Caalin oo la sheegay in qalliin looga sameeyay dhanka wadnaha.

Galmudug2.jpg
Galmudug.jpg
Galmudug3.jpg
Galmudug4.jpg
Galmudug5.jpg

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya













Click here
8/3/2012 9:47 AM EST
Jimco, Ogoosto 03, 2012 (HOL) — Orodyahanadda Soomaaliyeed ee ka qaybgalaysa ciyaaraha Olombikada caalmaka ee ka socda London ayaa kaalinta tododbaad ka gashay orodka 400-mitir ee haweenka.

8/3/2012 7:41 AM EST
Kulan ay isugu yimaadeen siyaasiyiin,aqoonyahanno iyo waxgarad kale ayaa lagu taageeray maamul goboleedka Jubbaland oo kamid ah maamul goboleedyada deegaannadaas looga dhawaaqay.

8/3/2012 4:59 AM EST
Jimco, Ogoosto 03, 2012 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa xalay ku dilay degmada Laascaabood ee gobolka Sool mas'uul ka tirsnaa maamulka gobolka kaasoo lagu magacaabi jiray, Cabdi Cawil Xasan.

8/3/2012 4:53 AM EST
Jimco, Ogoosto 03, 2012 (HOL) — Jen. Cabdi Qaybdiid oo maalin ka hor loo doortay madaxweynaha cusub ee Galmudug ayaa sheegay isagoo ka jawaabayay hadal uu warbaahinta kasii daayay Col. Caalin in doorashadii uu kusoo baxay ay ahayd mid ku dhacday si sharci ah.

8/3/2012 4:28 AM EST
Jimco, Ogoosto 03, 2012 (HOL) — Madaxda dowladda KMG ah ayaa u dhoofay dalka Kenya, halkaasoo ay berri oo Sabti ah kula kulmi doonaan xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Hillary Clinton oo booqasho ku maraysa dalal Afrika ku yaalla oo ay Kenya ka mid tahay.

8/3/2012 4:23 AM EST
Jimco, Ogoosto 03, 2012 (HOL) — Waxaa saakay lagu aasay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan Alle ha u naxariisteen Inj. Cali Xaaji Shirwac oo maalintii shalay rag hubeysan ku dileen magaalada Baladweyne.