3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 3 , 2012
Jen. Cabdi Qaybdiid oo sheegay inuu yahay Madaxweynaha Rasmiga ah ee Galmudug, Doorashadiisuna ay u dhacday si xaq ah
Jimco, Ogoosto 03, 2012 (HOL) — Jen. Cabdi Qaybdiid oo maalin ka hor loo doortay madaxweynaha cusub ee Galmudug ayaa sheegay isagoo ka jawaabayay hadal uu warbaahinta kasii daayay Col. Caalin in doorashadii uu kusoo baxay ay ahayd mid ku dhacday si sharci ah.

Jen. Qeybdiid ayaa sheegay inuu isagu yahay madaxweynaha sharciga ah ee ka jira Galmudug, isla markaana hoggaamin doona, wuxuuna iska fogeeyay hadallo ku aaddan in doorashadiisu ay ahayd mid ku dhacday si aan sharciga Galmudug waafaqsanayn.

"Haddii xildhibaanadii maamulka Galmudug ay i doorteen taas sharci darro ma ahan, haddii Col. Caalin uu rabo inuu ogaado sida ay doorashadu u dhacday Gaalkacyo waa inuu yimaado," ayuu yiri Jen. Cabdi Qaybdiid.

Sidoo kale, Jen. Qaybdiid ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in Galmudug ay wax badan dib uga dhacday maamullada kale ee dalka ka jira, uuna rajo weyn ka qabo in wax weyn uu ka bedelo arrintaas.

"Ma ahan in go'aan kasoo baxya xaafadda Islii ee Nairbi lagu xukumayo Galmudug, haddii uu sharci diyaar u yahay Col. Caalin waa inuu Gaalkacyo yimaado, waxaana ku kalsoonahay inaan anig wax ka bedeli doono sida ay ku socdeen howlaha Galmduug," ayuu Jen. Qaybdiid oo ku adkeysanaya inuu yahay madaxweynaha Galmudug.

Hadalka Jen. Qaybdiid ayaa wuxuu imaanayaa xilli ay shalay ka dhaceen dibadbaxyo lagu taageerayo degmada Gaalkacyo. Iyadoo Col. Caalin oo ahaa madaxweynaha Galmudug uu ku adkeysanayo inuu yahay madaxweynaha rasmiga ah ee maamulkaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
8/3/2012 9:47 AM EST
Jimco, Ogoosto 03, 2012 (HOL) — Orodyahanadda Soomaaliyeed ee ka qaybgalaysa ciyaaraha Olombikada caalmaka ee ka socda London ayaa kaalinta tododbaad ka gashay orodka 400-mitir ee haweenka.

8/3/2012 7:41 AM EST
Kulan ay isugu yimaadeen siyaasiyiin,aqoonyahanno iyo waxgarad kale ayaa lagu taageeray maamul goboleedka Jubbaland oo kamid ah maamul goboleedyada deegaannadaas looga dhawaaqay.

8/3/2012 7:02 AM EST
Madaxweynaha xilka kasii dagaya ee Galmudug Maxamed Axmed Caalin ayaa si kulul u weeraray doorashadii ka dhacday Galmudug ee lagu soo doortay Cabdi Qaybdiid.

8/3/2012 4:59 AM EST
Jimco, Ogoosto 03, 2012 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa xalay ku dilay degmada Laascaabood ee gobolka Sool mas'uul ka tirsnaa maamulka gobolka kaasoo lagu magacaabi jiray, Cabdi Cawil Xasan.

8/3/2012 4:28 AM EST
Jimco, Ogoosto 03, 2012 (HOL) — Madaxda dowladda KMG ah ayaa u dhoofay dalka Kenya, halkaasoo ay berri oo Sabti ah kula kulmi doonaan xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Hillary Clinton oo booqasho ku maraysa dalal Afrika ku yaalla oo ay Kenya ka mid tahay.

8/3/2012 4:23 AM EST
Jimco, Ogoosto 03, 2012 (HOL) — Waxaa saakay lagu aasay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan Alle ha u naxariisteen Inj. Cali Xaaji Shirwac oo maalintii shalay rag hubeysan ku dileen magaalada Baladweyne.