Dableyda weerarka geysatay oo la sheegay inay ku hubeysnaayeen qoryaha fudud ayaa waxay weerarkooda la beegsadeen masjid ku yaalla deegaannadaas iyagoo ku dilay gudaha masjidka imaamkii, kaddibna toogtay dadkii masjidka kasoo yaacay."Weerarkan wuxuu ahaa mid salka ku hayay aano beeleed, waxaana dadka dhintay ay ahaayeen rag, dadka dhaawacmayna waxaa ku jirtay haweeney," ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka.Goobjoogayala kale oo ku sugan deegaanka Raamu oo ah halka uu falkan ka dhacay ayaa sheegay in dadka deegaanku ay cabsi weyn ku abuurtay arrintan, iyadoo isla maanta la aasay dadkii lagu dilay dilkii xalay.Mas'uuliyiinta deegaanka ayaa sheegay in kooxaha weerarka soo qaaday ay goobta ka baxsadeen, iyagoo sheegay in deegaanka ay ku sugan yihiin mas'uuliyiin ka socda degmada Mandheera oo deegaankan uu ka tirsan yahay.Xaaladda ayaa maanta daggan iyadoo ciidammo badan oo Kenyan ah la geeyay deegaanka, si looga hortago inay falal kale oo noocaas ahi ay mar kale ka dhacaan, mana ahan markii ugu horreysay oo dalka Kenya ay dilal beeleedyo noocan oo kale ah ka dhacaan.Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online[email protected]Muqdisho, Soomaaliya