3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 21, 2012
Kulankii Xidhibaannada Baarlamaanka Somalia oo lagu magacaabay Guddiga diyaarinta Doorashada Gudoomiyaha iyo ku xigeennadiisa
Talaado, Ogoosto 21, 2012 (HOL) — Kulankii ay maanta ku yeesheen xildhibaanada baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya xarunta gaadiidka booliiska oo uu shir guddoomiye ka ahaa guddoomiyaha KMG ah, Jen. Muuse Xasan ayaa waxay cod aqlabiyad ku ogolaadeen guddiga doorsahada guddoomiyaha iyo ku xigeennadiisa oo ka kooban 15-xubnood.

Xildihbaanadii kulanka maanta xaadiray oo tiradoodu ahayd 184 ayaasnay jirin cid kasoo horjeesatay guddiga, waxaana xubnaha guddigan lagu soo xulay qaab 4.5 ah, iyadoo shanta beelood ee uu middiiba ka yimaadeen saddex xubnood oo isugu jira rag iyo dumar.

Xubnaha guddiga ayaa waxay kala yihiin:
  1. Ciise Maxamed Cali
  2. Feysal Cumar Guuleed
  3. Caadil Sheegoow Sagaar
  4. Maxamed Warsame
  5. Maxamed Ismaaciil
  6. Xasan Macalin Xuseen
  7. Cismaan Libaax
  8. Nuur Iidoow Beyle
  9. Maxamed Maxamuud Guure
  10. Ciise Maxamuud
  11. Sahro Jaamac Cali
  12. Caasho Xaaji Cilmi
  13. Khadiijo Maxamed Diiriye
  14. Fowsiyo Maxamed Sheekh
  15. Sahro Cabdulqaadir
Guddigan ayaa waxaa looga fadhiyaa inay illaa 25-ka bishan oo ku beegan Sabtida soo socota kusoo diyaariyaan doorashada guddoomiyaha baarlamaanka federaalka iyo ku xigeennadiisa, si ay doorashadu u dhacdo 26-ka bishan oo maalinta xigta ah.

Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya oo xalay ka dhaariyay ayaa wuxuu bedelayaa baarlamaankii KMG ah ee ka horreeyay kaasoo ka koobnaa 550-xubnood, ayna aad ugu yaraanyeen xildhibaannada haweenka ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
8/21/2012 1:29 PM EST
Talaado, August 21, 2012(HOL): Ciidamada la dagaalanka tahriibta ee gobolka Bari, ayaa howgal ay xalay ka sameeyeen deegaanka Shinbiro oo qiyaastii 30km dhinaca bariga magaalada Boosaaso kaga beegan, waxay kusoo qabteen tahriibayaal ay tiradoodu 200 ku dhowdahay iyo weliba gaadiid badeedkii ay ku safrayeen.

8/21/2012 12:47 PM EST
Halkaan ka daawo munaasabaddii lagu dhaarinayey Xildhibaanada cusub ee Soomaaliya

8/21/2012 10:18 AM EST
Talaado, Ogoosto 21, 2012 (HOL) — Afhayeenka dowladda Itoobiya ahna wasiirka warfaafinta iyo isgaarsiinta, Bereket Simon ayaa sheegay in ciidamadooda ku sugan gudaha Soomaaliya aysan la baxayn, sidoo kalena aysan bedeli doonin siyaasadooda ku aaddan arrimaha Soomaaliya.

8/21/2012 10:13 AM EST
Talaado, Ogoosto 21, 2012 (HOL) — Isbaheysiga madaxa-bannaan ee turxaan bixinta Soomaaliya ee IFISO (Independent Vetting Coalition Somalia) ayaa ugu baaqay baarlamaanka cusub ee Federalka Soomaaliya inay doortaan musharaxiin ay ka go’an tahay dhaqanka xukun dimoqraadiyadeed.

8/21/2012 10:03 AM EST
Talaado, Ogoosto 21, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Mxamuud (Siillaanyo) ayaa Itoobiya uga tacsiyadeeyey geeridii ku timid Ra’isal wasaarahoodii Meles Zenawi.

8/21/2012 9:55 AM EST
Talaado, Ogoosto 21, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya ee waqtigiisu sii dhammaanayo, Shariif Sheekh Axmed iyo guddoomiyaha KMG ah ee baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, Jen. Muuse Xasan Cabdulle ayaa maanta la kulmay safiirro ka socday dalalka Yurub iyo Mareykanka.

8/21/2012 9:55 AM EST
Talaado, Ogoosto 21, 2012 (HOL) — Arday tiradoodu tahay 1,500 ayaa maanta u fariistay imtixaanka aqbalaadda ah ee Jaamacadda Muqdisho, iyadoo ardaydan ay kasoo qalin-jabiyeen dugsiyada sare ee dalka, doonaya inay waxbarashadooda horay u sii wataan.

8/21/2012 9:39 AM EST
Talaado, Ogoosto 21, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dhawaan la doortay ee maamul gobolleedka Galmudug Cabdi Xassan Cawaalle Qeybdiid ayaa isaga oo ku sugan magaalada Gaalkacyo waxaa uu ku dhawaaqay golle wasiiro cusub oo uu yeelanayo maamulka Galmudug.

8/21/2012 8:37 AM EST
Bandhiga faneedkan oo ahaa mid si weyn ay uga soo qeybgaleen dadweynaha magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo qabanqaabiyey wariyayaasha Muqdisho waxaana maalgalinayey hay’ada arimaha dhalinyarada ka shaqeysa ee SYAO.

8/21/2012 6:48 AM EST
Talaado, August 21, 2012 (HOL) - Xarakada Alshabaab ayaa ku tilmaantay geerida Ra'iisul wasaarihii Itoobiya inay tahay maalin taariikhi ah.

8/21/2012 4:11 AM EST
Talaado, Ogoosto 21, 2012 (HOL) — Qaramada Midoobay iyo Mareykanka ayaa soo dhaweeyay dhaarinta xildhibaannada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya iyagoo ku tilmaamay guul la gaaray, iyadoo Mareykanka uu sheegay inuusan u dulqaadanayn cid walba oo isku dayda inay carqaladeyso howlaha siyaasadeed ee Soomaaliay.

8/21/2012 3:52 AM EST
Talaado, Ogoosto 21, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax oo warbaahinta kula hadllay magaalada Baladweyne ayaa sheegay in marnaba la qabli doonin maleeshiyo ku saleysan beelo iyo ururo diimeed ka sameysma magaalada Baladweyne.

8/21/2012 3:38 AM EST
Talaado, Ogoosto 21, 2012 (HOL) — Xildhibaanada baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulankoodii labaad kaddib markii xalay fiidkii lagu dhaariyay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayna doorteen guddoomiye KMG ah.

8/21/2012 3:16 AM EST
Talaado, Ogoosto 21, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaarihii Itoobiya, Meles Zenawi ayaa la shaacisay maanta oo Talaado ah inuu u geeriyooday xanuun daran oo uu isbitaal ugu jirtay tan iyo bishii July ee sannadkan.