3/27/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 21, 2012
Isbahaysiga Turxaan-bixinta Somalia ee IFISO oo ka bixidda Xilliga KMG ku tilmaamay mid horseedaya Isbedel Waara
Talaado, Ogoosto 21, 2012 (HOL) — Isbaheysiga madaxa-bannaan ee turxaan bixinta Soomaaliya ee IFISO (Independent Vetting Coalition Somalia) ayaa ugu baaqay baarlamaanka cusub ee Federalka Soomaaliya inay doortaan musharaxiin ay ka go’an tahay dhaqanka xukun dimoqraadiyadeed.

Sidoo kale, isbahaysigu wuxuu sheegay inuu aad uga wal-walsan yahay meel marin la’aanta heshiiskii qaybta dumarka ee kuraasta xildhibaanadda baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, hanjabaadyada iyo ku-xadgudubka shaqada magacaabista xubnaha baarlamaanka, hase ahaate IFISO waxay sheegtay inay soo dhaweynayso sida loogu guuleystay in hoggaamiye kooxeedyadii dagaalka aanay soo galin saaxada siyaasadda.

"Masuuliyad weyn ayaa saaran mudaneyaasha baarlamanka, waana inaysan dooran shaqsi musharax ah oo taariikhdiisu liidato, isla markaana ay diidaan shaqsiyaadka 30-kii sano ee lasoo dhaafay lala xiriirinayo musuq-maasuqa, xatooyo xoolo qaran iyo si qaldan u maamulis xaafiis dowladeed," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ay soo saartay IFISO.

Isbahsysigan oo dhawaan la dhisay ayaa wuxuu sidoo kale sheegay inuu aad ula dhacay shaqadii ay qabteen guddiga farsamada xulitaanka baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, maadaama ay diideen qabashada magacyada hoggaamiye kooxeedyo, iyagoo ugu baaqay inay guddigu xaqiijiyaa qoondada haweenka ee baarlamaanka oo ah 30%, taasoo ka mid ahayd heshiisyadii looga gudbayay xilliga KMG ah ee dalka.

“Maalintan taariikhiga ah waa inaan hoosta ka xarriiqnaa in Soomaaliya ay horumar gaartay, isla markaana ay IFISO guullo ka gaartay ujeeddooyinkii loo aasaasay, maadaama sida aad arkeysaan liiska xildhibaanadda aysan dagaal oogaayashii ku guuleysan ama aysan car-qaladeyn xilliga dhameystirka KMG ah,” ayuu yiri Xasan Shire Sheekh oo ah guddoomiyaha isbahaysiga IFISO.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu yiri: “Waxay u muuqataa in mar kale la xaqiray xuquudii iyo codkoodii xooga lahaa ee dumarka Soomaaliyeed oo ka mid noqoshada maamul dowladeedka dalkooda."

Ugu dambeyn, isbahaysiga IFISO waxay ku boorrineysaa dhamman dhinacyada ku lugta leh oo ay ka mid yihiin beesha caalamka, goob-joogayaasha iyo xubnaha guddig farsamada inay si cad u xaqiijiyaan meel marinta mabaadi’dii dhameynta KMG, ayna qaybta haweenka xaqiijiyaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
8/21/2012 1:29 PM EST
Talaado, August 21, 2012(HOL): Ciidamada la dagaalanka tahriibta ee gobolka Bari, ayaa howgal ay xalay ka sameeyeen deegaanka Shinbiro oo qiyaastii 30km dhinaca bariga magaalada Boosaaso kaga beegan, waxay kusoo qabteen tahriibayaal ay tiradoodu 200 ku dhowdahay iyo weliba gaadiid badeedkii ay ku safrayeen.

8/21/2012 12:47 PM EST
Halkaan ka daawo munaasabaddii lagu dhaarinayey Xildhibaanada cusub ee Soomaaliya

8/21/2012 10:48 AM EST
Talaado, Ogoosto 21, 2012 (HOL) — Kulankii ay maanta ku yeesheen xildhibaanada baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya xarunta gaadiidka booliiska oo uu shir guddoomiye ka ahaa guddoomiyaha KMG ah, Jen. Muuse Xasan ayaa waxay cod aqlabiyad ku ogolaadeen guddiga doorsahada guddoomiyaha iyo ku xigeennadiisa oo ka kooban 15-xubnood.

8/21/2012 10:18 AM EST
Talaado, Ogoosto 21, 2012 (HOL) — Afhayeenka dowladda Itoobiya ahna wasiirka warfaafinta iyo isgaarsiinta, Bereket Simon ayaa sheegay in ciidamadooda ku sugan gudaha Soomaaliya aysan la baxayn, sidoo kalena aysan bedeli doonin siyaasadooda ku aaddan arrimaha Soomaaliya.

8/21/2012 10:03 AM EST
Talaado, Ogoosto 21, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Mxamuud (Siillaanyo) ayaa Itoobiya uga tacsiyadeeyey geeridii ku timid Ra’isal wasaarahoodii Meles Zenawi.

8/21/2012 9:55 AM EST
Talaado, Ogoosto 21, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya ee waqtigiisu sii dhammaanayo, Shariif Sheekh Axmed iyo guddoomiyaha KMG ah ee baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, Jen. Muuse Xasan Cabdulle ayaa maanta la kulmay safiirro ka socday dalalka Yurub iyo Mareykanka.

8/21/2012 9:55 AM EST
Talaado, Ogoosto 21, 2012 (HOL) — Arday tiradoodu tahay 1,500 ayaa maanta u fariistay imtixaanka aqbalaadda ah ee Jaamacadda Muqdisho, iyadoo ardaydan ay kasoo qalin-jabiyeen dugsiyada sare ee dalka, doonaya inay waxbarashadooda horay u sii wataan.

8/21/2012 9:39 AM EST
Talaado, Ogoosto 21, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dhawaan la doortay ee maamul gobolleedka Galmudug Cabdi Xassan Cawaalle Qeybdiid ayaa isaga oo ku sugan magaalada Gaalkacyo waxaa uu ku dhawaaqay golle wasiiro cusub oo uu yeelanayo maamulka Galmudug.

8/21/2012 8:37 AM EST
Bandhiga faneedkan oo ahaa mid si weyn ay uga soo qeybgaleen dadweynaha magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo qabanqaabiyey wariyayaasha Muqdisho waxaana maalgalinayey hay’ada arimaha dhalinyarada ka shaqeysa ee SYAO.

8/21/2012 6:48 AM EST
Talaado, August 21, 2012 (HOL) - Xarakada Alshabaab ayaa ku tilmaantay geerida Ra'iisul wasaarihii Itoobiya inay tahay maalin taariikhi ah.

8/21/2012 4:11 AM EST
Talaado, Ogoosto 21, 2012 (HOL) — Qaramada Midoobay iyo Mareykanka ayaa soo dhaweeyay dhaarinta xildhibaannada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya iyagoo ku tilmaamay guul la gaaray, iyadoo Mareykanka uu sheegay inuusan u dulqaadanayn cid walba oo isku dayda inay carqaladeyso howlaha siyaasadeed ee Soomaaliay.

8/21/2012 3:52 AM EST
Talaado, Ogoosto 21, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax oo warbaahinta kula hadllay magaalada Baladweyne ayaa sheegay in marnaba la qabli doonin maleeshiyo ku saleysan beelo iyo ururo diimeed ka sameysma magaalada Baladweyne.

8/21/2012 3:38 AM EST
Talaado, Ogoosto 21, 2012 (HOL) — Xildhibaanada baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulankoodii labaad kaddib markii xalay fiidkii lagu dhaariyay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayna doorteen guddoomiye KMG ah.

8/21/2012 3:16 AM EST
Talaado, Ogoosto 21, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaarihii Itoobiya, Meles Zenawi ayaa la shaacisay maanta oo Talaado ah inuu u geeriyooday xanuun daran oo uu isbitaal ugu jirtay tan iyo bishii July ee sannadkan.