4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 20, 2012
Kulankii Xidhibaannada Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya oo Goor dhow ka furmay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Isniin, Ogoosto 20, 2012 (HOL) — Waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho goor dhow ka furmay shirka xildhibaannada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo lagu dhaarin doono ayna ku dooran doonaan guddoomyaha kulammada si KMG ah u guddoomin doono inta laga dooranayo guddoomiye cusub.

Xidhibaanada uu kulanka u furmay ayaa waxay ka kooban yihiin 225 mudane, kuwaas oo isla maanta qaatay kaararkooda aqoonsiga, waxaana si aad ah u baaray intii aysan kulankooda u fariisan ciidamada dowladda KMG ah.

Inkastoo ay jireen xidhibaanno aad uga biyo diidan in laga reebo liiska xildhibaanada kulanka yeeshay ayaa waxaa laga dareemayay gudaha garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, iyadoo kulankan oo lagu waday inuu gallinkii hore maanta furmo ayaa la sheegay inuu dib ugu dhacay bixinta kaararka aqoonsiga ee xildhibaannada.

Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa wuxuu xilligeeda ku eg-yahay maanta, taas oo keentay in dadaallo badan lagu bixiyo in kulanka baarlamaanka uu qabsoomo si ay u doortaan guddoomiye KMG ah oo howsha dowladda la wareega.

Guddiga farsamada ayaa waxay sheegeen inay rajeynayaan in sida ugu dhaqsiyaha badan laug soo xulo baarlamaanka ka dhiman, iyagoo horay u celiyay xildhibaanno loo haysto dambiyo kala duwan.

Odayaasha dhaqanka ee laga sugayo inay xildhibaannada dhiman soo gudbiyaan ayaa iyaguna waxay sheegeen inay u gudbin doonaan guddiga xildhibaannadii horay loogu soo celiyay oo ay ku jiraan xubno la sheegay inay hoggaamiye kooxeedyo yihiin.

Xidhibaannada cusub ayaa dhaarta kaddib waxay guddoomiye cusub u dooran doonaan ninka ugu da'da weyn, kaasoo howsha wadi doona inta laga dooranayo guddoomiye cusub oo uu baarlamaanku yeesho.

Dhanka kalena, waxaa goor dhaweyd billaabatay dhaarinta mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo marka ay dhaarintooda dhammaatana ay dooran doonaan Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Wixii ku soo kordha kulanka socda kula soco wararkeena dambe haddii Alle idmo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya