4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 20, 2012
Munaasabad lagu shaacinayay Gobolka Hiiraan oo laba loo qaybiyay oo Maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho


Isniin, Ogoosto 20, 2012 (HOL) — Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay oo laba loogu qaybinayay gobolka Hiiraan ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdihso, iyadoo ay goojoog ka ahaayeen xildhibaanno iyo wasiirro kasoo jeeda gobolka Hiiraan.

Nabaddoono, aqoonyahanno iyo saraakiil kasoo jeeda gobolka Hiiraan oo ka hadlay munaasabadda ayaa waxay si weyn u soo dhaweeyeen in gobolka Hiiraan laba loo qaybiyo kaddib 52-sano oo ay Soomaaliya tahay xor.

Xubnahan ayaa waxay sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin in gobolka Hiiraan loo qaybiyo laba sida gobollada kale ee dalka horay loogu qaybiyay labo, iyagoo aad u ammaanay xildhibaannadii iyo wasiirradii reer Hiiraan ee arrintan kasoo shaqeeyay.


"Gobolka Hiiraan waxaa maanta laga billaabo loo qaybiyay laba gobol oo kala ah: gobolka Shabeellada sare oo xaruntiisu ay tahay Buulo-burte iyo gobolka Hiiraan oo ay xaruntiisu tahay Baladweyne," ayuu xildhibaan Ibraahim Xabeeb Nuur ka sheegay munaasabadda

Wasiirka macdanta iyo biyaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya, C/qaadir Maxamed Dhicisoow oo kasoo jeeda gobolka Hiiraan oo isaguna kulanka ka hadlay ayaa aad ugu dheeraaday taariikhda gobolka iyo khayraadkiisa, wuxuuna xusay in dowladda soo socota ay wax weyn ka qaban doono horumarka labadan gobol.

Munaasabadda ayaa waxaa laga akhriyay wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweyne Shariif Sheekh taasoo lagu sheegay in gobolka Hiiraan loo qaybiyay laba gobol oo daris ah.


Wareegtada ayaa lagu sheegay in soo jeedin ka tirsan wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka uu madaxweynaha Soomaaliya ku ogolaaday in gobolka Hiiraan uu noqdo laba gobol, iyadoo mas'uuliyiintii kulanka ka hadlay ay sheegeen in labada gobol ay iska kaashan doonaan wax walba oo lasoo gudboonaada.

Haweenka gobolka Hiiraan oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa ugu baaqay qurbo-joogta iyo ganacsatada labada gobol inay qayb ka qaataan sidii ay u dhisi lahaayeen degmooyinka cusub ee gobolladan ay ka kooban yihiin.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya