4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 2 , 2012
Madaxweynaha Dowladda Puntand oo si weyn u soo dhoweeyay Ansixinta Dastuurka Qabyada ah ee dalka Soomaaliya

Khamiis, Ogoosto 02, 2012 (HOL) — Dowladda Puntland ayaa si weyn u soo dhoweysay ansixinta dastuurka cusub ee dalka oo shalay 01-08-2012 ergooyinkii loo xil saaray ay cod aqlabiyad leh ku meel mariyeen.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) oo xarunta madaxtooyada ee Garoowe saxaafadda shir ugu qabtay ayaa sheegay in Puntland ay aad ugu faraxsan tahay in ansixinta dastuurku ay si guul ah kusoo gaba gabowdo.

Wuxuuna si weyn ugu mahad celiyey ergada ansixisey dastuurka iyo weliba beesha caalamka oo uu tilmaamay in ay gacan weyn ka geysteen sidii ay howshaasi ku hirgeli lahayd, la'aantoodna aysan waxba qabsoomeen.

"waxan u mahad celinayaa ergada ansixisay dastuurka, iyo beesha caalamka oo gacan na siisay iyo intii ka qayb qaadatay oo aan anagu kamid ahayn, waa guul weyn" Faroole ayaa yiri.

Dhinaca kale mar uu madaxweynuhu ka jawaabayey su'aal la weydiiyey oo ahayd sida ay Puntland u aragto isbedelka ku yimid madaxda maamulka Gal-mudug waxaa hadaladiisii kamid ahaa:

"Meel walba cidii degen iyadaa khiyaarkeeda leh, anagu fara gelin kuma lihin, laakiin waxan ka rajeynayaa in maamulkaasi uu noqdo maamul khayr qaba oo nala shaqeeya, anaga waxaa nala gudboon in aan deris wanaaga kala shaqeyno iyaguna ay nagala shaqeeyaan"

Ansixinta dastuurka dalka oo maanta lagu guuleystey ayaa kusoo beegantay xilli ay Puntland u dabbaal degeyso sanad guuradii 14-aad ee kasoo wareegtey xiligii la asaasay oo ahayd 1-dii August sanadkii 1998.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya