4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 19, 2012
Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari oo si weyn looga ciidey


Axad, August 19, 2012(HOL): Maanta oo ay taariikhdu tahay 1-da bisha Shawaal ee sanadka Hijriga, kuna beegan 19-August-2012, waxaa si weyn dunida Muslimka ah loogaga dabaal degayaa munaasabadda Ciidul-fidriga.

Magaalooyinka waaweyn ee dalka, gaar ahaan kuwa deegaanada Puntland ee ay sanadkan dadku hal mar wada ciideen waxaa kamid ah: magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Kumanaan dadweyne ah ayaa isugu soo baxay jidadka, waxaana salaaddaCiidka lagu oogey dhamaan masaajidda xaafadaha iyo garoonka kubadda cagta ee degmada, halkaas oo ay culimaa'uddiinka iyo maamulkuba bulshada kula hadleen.


Shaqaalaha dowladda hoose ayaa ilaa xalay ku howlanaa sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen bilicda degmada, waxayna nadifiiyeen jidadka,  iyadoo amaankuna uu ahaa maanta mid si weyn loo adkeeyey.

Si taas lamid ah waxaa looga ciidey magaalooyin kale oo ay kamid yihiin: Garoowe, Qardho, Gaalkacayo, Badhan iyo qaar kamid ah degmooyinka ku yaal dhulka laamiga ka baxsan.

Dhinaca kale madaxda sare ee Puntland gaar ahaan madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole iyo ku-xigeenkiisa Gen. Cabdisamed ayaa bulshada ugu hanbalyeeyey faraxadda Ciidka, waxayna ilaah uga baryeen in uu sanadkan sanadkiisa xiga nabad iyo barwaaqo ku gaarsiiyo.


Munaasabadda Ciidul-fidriga oo sanad walba loo dabaal dego dhamaadka bisha barakaysan ee Ramadaan, waxay sanadkan kusoo beegantay xilli kulul, islamarkaana ay magaalada Boosaaso inta badan dadku xagaa bax kaga maqan yihiin.






Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia