3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 19, 2012
Munaasabadda Ciidul Fitriga oo Maanta si weyn looga Xusay Gobollada Jubbooyinka ee Koonfurta Soomaaliya
Axad, Ogoosto 19, 2012 (HOL) — Munaasabadda Ciidda barakeysan ee ciiddul Fitriga oo maanta muslimiin badan oo caalamka ku nool ay siyaabo kala duwan ugu dabaaldegeen ayaa waxa siweyn looga xusay  degmooyinka kala duwan ee Jubooyinka.

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose ayaa kamid ah goobaha sida weyn looga dareemayay munaasabadda ciidul fitriga, waxaana wadooyinka waaweyn ee dhexmara magaalada Kismaayo lagu arkayay dadweeyne fara badan oo ku labisan dhar aad u qurux badan oo raxanraxan u socda wadooyinka.

Dadka  reer Kismaayo oo gaarayay kumannaan qof ayaa waxa ay isugu soo urureen fagaaraha weyn ee isbartiimo Waamo halkaasoo ay ku oogeen Labada rakaco ee salaadda, waxaana shacabka reer Kismaayo halkaasi kula tukaday masuuliyiin katirsan Xarakada Al-shabaab, kuwaasoo qudbado kala duwan ka jeediyay goobta, iyagoona sidoo kale ugu baaqay shacabka reer Kismaayo in ay laba jibaaraan taageeradooda ku aadan maamulka Xarakada Al-shabaab.

Sidoo kale Degmooyinka Afmadow, Jilib, jamaame, Bu’aale iyo Badhaadhe ayaa iyaguna si diiran looga xusay munaasabadda ciidda barakeysan ee ciiddul fitriga.

Inkastoo gobollada Jubooyinka intooda badan looga dabaaldegayo farxadda ciidda barakeysan ee ciiddul fitriga ayaa hadana waxa jiro kumannaan qoys oo ku nool jubooyinka oo ay heystaan dhibaatooyin dhanka nolosha ah kuwaasoo aan iyagu farxad uga qeybqaadan munaasabadda ciidda, islamarkaasina u baahan in la gargaaro.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya











Click here
8/19/2012 11:10 AM EST
Isniin, August 19, 2012(HOL): Magaalada Västerås ee gobolka Västmanland ee dalka Sweden ayaa maanta si weyn looga ciiday, iyadoo dadka ku tukadeen Salaaddii Ciidda goob aad u ballaaran oo loo diyaariyay.

8/19/2012 11:03 AM EST
Axad, Ogoosto, 19, 2012 (HOL)-Dadweynaha Somaliland ayaa maanta si weyn ugu dabaal degay ciidda soonfur oo caalamka oo dhan laga wada Ciiday.

8/19/2012 10:00 AM EST
Axad, August 19, 2012(HOL): Maanta oo ay taariikhdu tahay 1-da bisha Shawaal ee sanadka Hijriga, kuna beegan 19-August-2012, waxaa si weyn dunida Muslimka ah loogaga dabaal degayaa munaasabadda Ciidul-fidriga.

8/19/2012 9:46 AM EST
Axad, Ogoosto 19, 2012 (HOL) — Iyadoo lagu jiro xilligii loo asteeyay inay ka baxdo Soomaaliya ku-meel-gaarnimada ayay xubno ka tirsan beesha caalamka oo Muqdisho ku shiray waxay si wadajir ah warsaxaafadeed uga soo saareen arrintan.

8/19/2012 8:54 AM EST
Axad, Ogoosto 19, 2012 (HOL) — Deegaannada ay ka taliso Xarakada Al-shabaab ayaa si weyn looga ciiday maanta iyadoo ay dadweynihii salaadda kasoo qaybgalay ay la hadleen mas'uuliyiin ka tirsan Al-shabaab oo uu ka mid ahaa Sheekh Xasan Daahir Aweys.

8/19/2012 8:16 AM EST
Axad, Ogoosto 19, 2012 (HOL) — Xabsiga dhexe ee Muqdisho (Gaalshire) ayaa laga sii daayay maanta 220 maxbuus oo ciiddul fidriga awgeed cafis loo fidiyay waxayna maxaabiistan isugu jireen rag iyo dumar.

8/19/2012 7:35 AM EST
Axad, Ogoosto 19, 2012 (HOL) — Magaalada Cape-town ee dalka Koofur Afrika ayaa si weyn loogu soo baxay salaadda ciidda, iyadoo muslimiin aad u fara badan oo Soomaali ay ku jirtay ay buux-dhaafiyeen barxadaha lagu oogayay salaadda ciidda oo ku kala yaalla gudaha iyo duleedada magaaladaas.

8/19/2012 7:22 AM EST
Axad, Ogoosto 19, 2012 (HOL) — Magaalada Baladweyne ee xarunta maamulka gobollka Hiiraan ayaa maanta si la mid ah gobollada kale ee dalka Soomaliya waxaa looga oogay munaasabada Ciidul-fidriga.

8/19/2012 7:18 AM EST
Axad, Ogoosto 19, 2012 (HOL) — Madaxda dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa dadweyne fara badan kula tukaday maanta salaaddii ciidda masjidka weyn ee isbahaysiga Islaamka oo ah midka ugu weyn magaalada Muqdisho.

8/19/2012 5:40 AM EST
Axad, August 19, 2012 (HOL) - Kumannaan Soomaali ah ayaa maanta isugu soo baxay salaadii ciida, goobo kala duwan oo ka mid ah dalka Kenya.

8/19/2012 1:50 AM EST
Youtube: Halkaan ka dhageyso heeso aan idiinku talagalnay maalinta Ciidda