3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 18, 2012
Dadweynaha magaaladda Hargeysa oo si weyn ugu diyaar garoway Ciidda iyo xidhiidhiga Suuqa weyn ee magaaladda


Sabti, Ogoosto, 18, 2012 (HOL)- Ciidda Soonfur ayaa maalmihii u dambeeyey aad looga dareemayaa guud ahaan Somaliland, gaar ahaan magaaladda Hargeysa, waxaanay dadweynuhu ku qulqulayeen goobaha Tukaamadda ah ee lagu iibiyo agabka kala duwan ee dharka, kabaha iyo waxyaalaha kale ee guryaha lagu qurxisto ka midka yihiin.

Dhamaan goobaha alaabtaasi lagu iibiyo ayaa cidhiidhi ah ka dib markii ay soo buux dhaafiyeen dadweyne aad u badan, waxa kale oo iyana xidhiidhi galiyey jjidadkii gaadiidkii oo soo buux dhaafiyey wadooyinkii iyo suuqyaddii, kuwaas oo sii siyaadiyey mashquulkii suuqa.

Sidoo kale, wadooyinka dhinacyadooda waxa la soo buux dhaafiyey dharka iyo alaabooyinka ay caruurtu ku ciidaan, taas oo wadooyinkii xidhiidhi iyo samxad badan ka dhigtay.

Dadweynaha ka Tukaamaysanayey meharada lagu iibiyo dharka ayaa sheegaya inay sanadka ay cirka isku shareertay qiimihii badeecadaha kala duwan ee ay dharku u badan tahay, taasina waxay keentay in dad badan oo danyar u badan ay goyn kari waayeen dharkaasi qaaliga ah.


Ganacsatada laftooda ayaa qaarkood ku andacoonaya inay sanadkan ka suuq yar tahay sanadkii hore, taasina ay keentay alaabta qaaliga ah iyo sixirka xaga dharka oo aad u qaali ah, waxayna sheegeen in dadweynaha camiray suuqa ee faraha badan  aanay intoodda badan wax iibsanayn, balse ay kaliya baayacaaan uun ka dibna iska warwareegayaan, iyagoo suuqa eegaya oo doonaya inay arkaan meel ka jaban meelahan ay hore usoo mareen.

Guud ahaan maalmahan oo kale waxa aad uga faa’iidaysta  gaadiidleyda rakaabka qaada iyo guud ahaan ganacsatada, kuwaas oo dakhligooda aad usoo kordha, oo tusaale ahaan gaadiidkii looyaqaan Basaska oo iskaga kala goosha magaaladda dhexdeedda ayaa maalmihii u dambeeyey aad u shaqaynayey, kuwaas oo hadh iyo habeen kala horayey dadka, iyagoo ilaa kowda habeennimo shaqaynaya oo ay dadku kala la’aayeen.

Dhanka kale, camirnaanta suuqa iyo xidhiidhiga jira awgeed waxa la keenay ciidan badan oo boolis ah si ay u ilaaliyaan xaga amniga, waxaaanay ciidanku dhex wareegayeen suuqa iyo goobaha wax lagu iibinayo, kuwaas oo wadooyinka xidhan ee xidhiidhiga ah dadka u furayey si dadweynuhu hawlahooda si fudud ugu adeegtaan, halka qaarkoodna dadka Tuugta ah ee  ku soo dhex dhuubanaya dadka wax iibsanaya  ay qabqabanayeen, iyadoo la moodo in laga raystay tuugtii dadka dhibi jiray ee xadi jirtay.


 Waxa iyana goobaha cusub ee wadooyinka hareeraheedda ah ee dadka danyarta ahi wax ku iibinayaan dhibaato ku haya askarta oo diidan in wadooyinka lagu soo durko ama xidhiidhi noqdaan, waxaana inta badan arkaysaa booliska  oo weerar ku haya dadkaas laamida wax ku ag iibinayo, isla markaana kolba dhinac u eryanaya, mararka qaarkoodna boolisku ayaaba ka kala daadinayey alaabtii ay iibinayeen, waxaana inta badan ay dadkani ku dul iibinayaan Gaadhi gacan oo kolba meel ula cararaya alaabtoodda, iyadoo inta badana arkaysid askari eryana nin alaab bagaash ah ku dul iibinaya  gaadhi gacan oo isna cararayo, kuwaas oo dhibaato weyn ka soo gaadhayso weerarkaasi lagu hayo, mararka qaarkoodna alaabtu ka daadato ama boolisku si ula kas ah uga daadinayo.

Si kastaba ha ahaatea, muuqaalka guud ee dadka ayaa si weyn ugu faraxsan dhamaystirka bisha barakaysan ee Ramaadaan iyo diyaar garowga maalinta Ciidda, waxaanay bishani ku dhamaatay, iyadoo roobab maansheeyey magaaladda oo maalinkasta galinka dambe roob lagu qabowsadaa ka da’i jiray, waxay dadku ku tilmameen inay bishan tahay bil aad u qabow, isla markaana si dhakhso ah u dhamaatay oo aan la dareemin, ilaahayna ka baryey inuu khayrkeedda siiyo lagana aqballo soonkii ay ku jireen iyo ciibaddii ay soo wadeen bishaas Ramadaan.





Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected]
Hargeysa, Somaliland













Click here
8/18/2012 8:22 AM EST
Sabti, Ogoosto 18, 2012 (HOL) — Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay inay ka walaacsan yihiin khasaaraha dadka rayidka ah ee ku nool Kismaayo oo ay maamusho Al-shabaab kasoo gaaray duqeymo loo geystay magaaladaas.

8/18/2012 7:48 AM EST
Sabti, Ogoosto 18, 2012 (HOL) — Guddiga xulista baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inay hayaan tirada 242-mudane oo baaristooda la dhameeyay, wuxuuna guddigu sheegay in xildhibaannadan ay fadhigooda ugu horreeya yeelanayaan maalinta Isniinta ah ee soo socota.

8/18/2012 7:22 AM EST
Sabti, Ogoosto 18, 2012 (HOL) — Maydadka saddex ruux oo dhallinyaro ah ayaa lagu arkay maanta bartamaha degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo, iyadoo ay warar kala duwan kasoo baxayaan dhimashada dhallinyarada.

8/18/2012 3:28 AM EST
Sabti, Ogoosto 18, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu aqbalo natiijada kasoo baxda doorashada madaxnimo ee Soomaaliya wax walba oo ay noqoto.

8/18/2012 3:13 AM EST
Sabti, Ogoosto 18, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dalka Kenya ayaa sheegay inay ka go'an tahay xukuumaddiisa inay cunno-qabteyn kusoo rogto kuwa caqabada ku ah hannaanka siyaasadda Soomaaliya ee loogu yeero qas-wadayaasha.