3/30/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 18, 2012
Xildhibaannada Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya oo Maalinta Isniinta ah ee soo socota yeelanaya kulankooda ugu horreeya
Sabti, Ogoosto 18, 2012 (HOL) — Guddiga xulista baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inay hayaan tirada 242-mudane oo baaristooda la dhameeyay, wuxuuna guddigu sheegay in xildhibaannadan ay fadhigooda ugu horreeya yeelanayaan maalinta Isniinta ah ee soo socota.

Guddiga ayaa sheegay inay socoto qaybta warqadaha aqoonsiga ah ee la siinayo xildhibaannada cusub ayna maalinta Isniinta ah oo ay naga xigto hal maalin ayna go'aamin doonaan xilliga ay dhacayaan doorashooyinka afhayeenka baarlamaanka ku xigeennadiisa iyo madaxweynaha dalka.

Xubno ka tirsan guddiga ayaa sidoo kale xusay in gallinka dambe ee maanta lasoo bandhigi doono magacyada xidlhibaannada ay gacanta ku hayaan, iyadoo 202 ka mid ah xidhibaannada la shaaciyay magacyadooda xalay.

Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya oo noqonaya kii ugu horreeyay oo rasmi ah oo ay Soomaaliya yeelato tan iyo 1991-kii oo la riday xukuumaddii dhexe ee dalka, waxaana la filayaa inuu ka duwanaado baarlamaannadii KMG ahaa ee dalka soo maray oo aan inta badan lagala tashan jirin meel marinta sharciyada dalka.

Kulankooda ugu horreeya ayay guddoomiye KMG ah u dooran doonaan qof ugu da'da weyn, iyagoo intaas kaddibna ku dhawaaqi doona xilliga ay doorashooyinku dhacayaan, isla markaana magacaabi doona guddiga doorashada.

Xildhibaannada baarlamaankan ayaa waxay ku yimaadeen nidaamka 4.5-ka ah; iyagoo shaqeyn doona afarta sano ee soo socota, markaas kaddibna waxaa lasoo dooran doonaa xildhibaanno ku imaanaya habka federaalka ah oo uu dalku ku dhaqmi doono.

Murashaxiin fara badan ayaa u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya, kuwaasoo inta badan kula talinaya xildhibaannada cusub inay codkooda si daacadnimo ay ku jirto u baxsadaan si dalka loo badbaadiyo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
8/18/2012 11:58 AM EST
Sabti, Ogoosto, 18, 2012 (HOL)- Ciidda Soonfur ayaa maalmihii u dambeeyey aad looga dareemayaa guud ahaan Somaliland, gaar ahaan magaaladda Hargeysa, waxaanay dadweynuhu ku qulqulayeen goobaha Tukaamadda ah ee lagu iibiyo agabka kala duwan ee dharka, kabaha iyo waxyaalaha kale ee guryaha lagu qurxisto ka midka yihiin.

8/18/2012 8:22 AM EST
Sabti, Ogoosto 18, 2012 (HOL) — Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay inay ka walaacsan yihiin khasaaraha dadka rayidka ah ee ku nool Kismaayo oo ay maamusho Al-shabaab kasoo gaaray duqeymo loo geystay magaaladaas.

8/18/2012 7:22 AM EST
Sabti, Ogoosto 18, 2012 (HOL) — Maydadka saddex ruux oo dhallinyaro ah ayaa lagu arkay maanta bartamaha degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo, iyadoo ay warar kala duwan kasoo baxayaan dhimashada dhallinyarada.

8/18/2012 3:28 AM EST
Sabti, Ogoosto 18, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu aqbalo natiijada kasoo baxda doorashada madaxnimo ee Soomaaliya wax walba oo ay noqoto.

8/18/2012 3:13 AM EST
Sabti, Ogoosto 18, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dalka Kenya ayaa sheegay inay ka go'an tahay xukuumaddiisa inay cunno-qabteyn kusoo rogto kuwa caqabada ku ah hannaanka siyaasadda Soomaaliya ee loogu yeero qas-wadayaasha.