3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 16, 2012
RA’IISAL WASAARAHA SOOMAALIYA: “ Xukuumaddu wey jireysaa inta xukuumad cusub laga soo dhisayo”

Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya
Khamiis, August 16, 2012(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya C/weli Maxamed Cali ayaa ka jawaabay hadal uu shalay qalabka warbaahinta ka sii daayay Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed, kaasi oo ahaa in xukuumadda Soomaaliya aysan lahayn wax saameyn ah, isla markaana aysan wax qaraar ah soo saari karin maadaama uu madaxweynenimo isu soo sharraxay Ra’iisal Wasaaraha.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya C/weli oo wareysi siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in Xukuumadda uu Ra’iisal wasaaraha ka yahay ay jireyso illaa iyo inta laga soo dhisayo xukuumad kale oo bedesha.

“Xukuumaddu waa jireysaa, illaa inta laga soo dhisayo xukuumad kale oo maamulka kala wareegta”ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo intaas ku daray in aysan jirin meel ay Axdiga KMG ah kaga qoran tahay in aysan jireynin Xukuumad kaddib marka uu ra’iisal wasaaraheeda isa sharraxo.

Waxaa kale oo uu ka jawaabay Ra’iisal Wasaaraha arrin kale oo uu madaxweynaha ka hadlay, taasi oo ku saabsaneyd dikreeto uu madaxweynaha degmooyin cusub ku magacaabay, wuxuuna sheegay in arrintaas ay ahayd mid sharci darro ah, wuxuuna carrabka ku adkeeyay Ra’iisal wasaaruhu  in ay ahayd in magacaabidda degmooyinkaas ay soo marto nidaamka dowliga ah, golaha wasiirrada la horkeeno, kaddibna madaxweynaha loo gudbiyo.

“Arrinta magacaabidda degmooyinka waxay ka gole wasiirro ahaan nagu beertay welwel tiro badan, waxayna u baahan tahay in degmo la magacaabo in golaha wasiirrada la sii marsiiyo, laga doodo kaddib madaxweynaha loo gudbiyo, laakin in la iska magacaabo degmooyin waxaan u arkaa kheyru-sharci”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Cabdi Weli oo sheegay in xilliga Dowladda TFG-da uu ku egyahay 20-ka Agoosto.

Waxaa wax laga weydiiyay soo xulista xubnaha Baarlamaanka, wuxuuna sheegay in awoodda arrintaas ay leeyihiin Odayaasha Soomaaliyeed, guddiga farsamadana ay kaliya howshoodu tahay in ay eegaan in qofka la soo magacaabay in uu buuxiyay shuruudihii iyo in kale. Wuxuu talo ku bixiyay Ra’iisal Wasaaruhu in ay guddigaas loo madax banneeyo howlihiisa.

Waxaa la weydiiyay sida uu u arko warbixintii madaxda dowladda lagu eedeeyay eek u saabsaneyd in ay musuq maasuq ku kaceen, wuxuuna isku difaacay ra’iisal wasaaraha in aysan jirin wax musuq-maasuq ah oo uu shaqo ku leeyahay.

Su’aal kale oo la weydiiyay Ra’iisal Wasaaraha ayaa ahayd in hadalkiisan iyo hadalkii shalay ee madaxweynaha laga dareemayo in uu jiro khilaaf u dhaxeeya Madaxweynaha iyo isaga, wuxuuna ku gaabsaday in uu nidaamka dowliga ah sidaas yahay, wax intaas dhaafsiisanna aysan jirin.

Laga soo billaabo dowladdii TNG-da ee uu madaxweynaha ka ahaa C/qaasim Salaad Xasan illaa dowladdan TFG-da  ee waqtigeedu sii dhammaanayo waxaa caado noqday in marka laga gaaro xilliga kala guurka ah ee dowlad kasta ay isku dhacaan madaxweyanha iyo ra’iisal wasaaraha dowladda markaas jirta, iyadoo dhinac kasta oo ka mid ah dhinacyada is-hayana uu midba kan kale ku eedeynayo in uu sammeeyay tallaabo sharci darro ah.


War la xiriira warkan

Halkan ka aqriso hadalkii Madaxweynaha-HOL



Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]













Click here
8/16/2012 11:35 AM EST
Khamiis, August 16, 2012(HOL): Qoys ka kooban 5 qof ayaa ku sumoobey tuulada Qalaanqal oo ka tirsan gobolka Nugaal, kadib markii ay cabeen biyo ku jirey weel caag ah, oo markiisii hore dareere sun ah lagu keenay.

8/16/2012 9:59 AM EST
Khamiis, Agoosto 16, 2012 (HOL)-Madaxweynaha Somaliland Md: Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayaa xalay kulan afur iyo casho iskugu jirta la yeeshay culimadda Somaliland,isla markaana uga waramay xaaladda guud iyo kaalinta ay culimadu ka qaadan karaan wacyigelinta dadweynaha.

8/16/2012 9:55 AM EST
Khamiis August 16, 2012(HOL): Maalmihii ugu dambeeyay, waxaa isbadal xoog leh laga dareemayaa baraamijyada ka baxa idaacadda BBC. Dad badan ayay dhici kartaa in ay la yaaban yihiin waxa sababay isbadalka tayada barnaamijyada, oo uu ka mid yahay midka subixii 7-da aroornimo saacadda Afrikada bari soo gala, waxaa horay uga shaqay jiray muddo sanado ah qof kaliya, iyadoo hadda laba qof ay ka howlgalaan.

8/16/2012 4:25 AM EST
Khamiis, Ogoosto 16, 2012 (HOL) — Waxaa Muqdisho lagu soo bandhigay buuq cusub oo diiradda saaraya xaalada gobolada dhexe, iyadoo buugan loogu magac daray [Tiirka Nabada, Carqaladaga iyo Fursadaha Gobolada Dhexe] ayaa waxaa soo bandhigtay xarunta cilmi-baarista iyo wada-tashiga ee CRD.

8/16/2012 4:22 AM EST
Khamiis, Ogoosto 16, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 15-qof oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan ayaa ku dhintay tiro intaas ka badan oo dad rayid ah ay ku jiraanna way ku dhaawacmeen dagaallo culus oo xalay ka dhacay gudaha iyo daafaha degmada Xudur ee gobolka Bakool.

8/16/2012 4:18 AM EST
Khamiis, Ogoosto 16, 2012 (HOL) — Hay'adda culummada Soomaaliyeed ayaa baaq u jeedisay madaxda DKMG ah ee Soomaaliya iyo odayaasha dhaqanka ee ku howlan xulista xildhibaannada cusub ee baarlamaanka.

8/16/2012 4:06 AM EST
Khamiis, Ogoosto 16, 2012 (HOL) — Xoogag taabacsan Xarakada Al-shabaab ayaa shalay gubay gaari jaad u waday degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose oo ay gacanta ku hayaan ciidamada DKMG ah iyo kuwa caawinaya, iyagoo sidoo kale dilay darawalkii iyo nin kale oo lagu sheegay inuu ahaa ganacsadihii jaadka lahaa.