3/30/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 16, 2012
Dagaal culus oo Degmada Xudur ee Gobolka Bakool ku dhexmary Ciidamada DKMG ah, kuwa Itoobiya iyo Al-shabaab
Khamiis, Ogoosto 16, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 15-qof oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan ayaa ku dhintay tiro intaas ka badan oo dad rayid ah ay ku jiraanna way ku dhaawacmeen dagaallo culus oo xalay ka dhacay gudaha iyo daafaha degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Dagaalladan ayaa qarxay kaddib markii xoogagga Al-shabaab ay weerar qorsheysan ku qaadeen saldhigyo ay ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya ku lahaayeen daafaha degmada iyo gudaheeda.

Isgaarsiinta ayaa la jaray ka hor intii aanu weerarku billlaabay, iyadoo illaa saakay ay jaran tahay isgaarsiinta, balse wararka lagu helayo qalabka fooneeyaha loo yaqaan ayaa sheegaya in khasaaraha dagaalka ee la arkay uu gaarayo 15-ruux.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Bakool ee dowladda KMG ah, Cali-nuur Maxamed Xasan oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in khasaaraha dagaalka uu dhinacooda aad ugu yar yahay, balse saraakiil iyaguna u hadlay Al-shabaab ayaa sheegaya in khasaaraha uu u badan yahay dhinaca ciidamada dowladda.

Dadweynaha degmada Xudur ayaa la sheegay inay aad u argagaxsan yihiin iyadoo ay saakay xaaladdu daggan tahay degmadana ay gacanta ku hayaan ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya.

Waa markii labaad oo weerar noocan oo kale ay Al-shabaab ku qaaddo degmada Xudur ee gobolka Bakool laba toddobaad gudahood, iyadoo dagaalkii hore ay ku dhinteen labaatameeyo labada dhinac u badan.

Degmada Xudur ayaa ah degmada Keliya ee gobolka Bakool ay kaga sugan yihiin ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa caawinaya ee Itoobiya, iyadoo guddoomiye ku xigeenka gobolka uu sheegay in bisha Ramadaan kaddib ay u qorsheysan tahay inay la wareegaan degmooyinka kale ee gobolka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
8/16/2012 11:35 AM EST
Khamiis, August 16, 2012(HOL): Qoys ka kooban 5 qof ayaa ku sumoobey tuulada Qalaanqal oo ka tirsan gobolka Nugaal, kadib markii ay cabeen biyo ku jirey weel caag ah, oo markiisii hore dareere sun ah lagu keenay.

8/16/2012 10:59 AM EST
Khamiis, August 16, 2012(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya C/weli Maxamed Cali ayaa ka jawaabay hadal uu shalay qalabka warbaahinta ka sii daayay Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed, kaasi oo ahaa in xukuumadda Soomaaliya aysan lahayn wax saameyn ah, isla markaana aysan wax qaraar ah soo saari karin maadaama uu madaxweynenimo isu soo sharraxay Ra’iisal Wasaaraha.

8/16/2012 9:59 AM EST
Khamiis, Agoosto 16, 2012 (HOL)-Madaxweynaha Somaliland Md: Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayaa xalay kulan afur iyo casho iskugu jirta la yeeshay culimadda Somaliland,isla markaana uga waramay xaaladda guud iyo kaalinta ay culimadu ka qaadan karaan wacyigelinta dadweynaha.

8/16/2012 9:55 AM EST
Khamiis August 16, 2012(HOL): Maalmihii ugu dambeeyay, waxaa isbadal xoog leh laga dareemayaa baraamijyada ka baxa idaacadda BBC. Dad badan ayay dhici kartaa in ay la yaaban yihiin waxa sababay isbadalka tayada barnaamijyada, oo uu ka mid yahay midka subixii 7-da aroornimo saacadda Afrikada bari soo gala, waxaa horay uga shaqay jiray muddo sanado ah qof kaliya, iyadoo hadda laba qof ay ka howlgalaan.

8/16/2012 4:25 AM EST
Khamiis, Ogoosto 16, 2012 (HOL) — Waxaa Muqdisho lagu soo bandhigay buuq cusub oo diiradda saaraya xaalada gobolada dhexe, iyadoo buugan loogu magac daray [Tiirka Nabada, Carqaladaga iyo Fursadaha Gobolada Dhexe] ayaa waxaa soo bandhigtay xarunta cilmi-baarista iyo wada-tashiga ee CRD.

8/16/2012 4:18 AM EST
Khamiis, Ogoosto 16, 2012 (HOL) — Hay'adda culummada Soomaaliyeed ayaa baaq u jeedisay madaxda DKMG ah ee Soomaaliya iyo odayaasha dhaqanka ee ku howlan xulista xildhibaannada cusub ee baarlamaanka.

8/16/2012 4:06 AM EST
Khamiis, Ogoosto 16, 2012 (HOL) — Xoogag taabacsan Xarakada Al-shabaab ayaa shalay gubay gaari jaad u waday degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose oo ay gacanta ku hayaan ciidamada DKMG ah iyo kuwa caawinaya, iyagoo sidoo kale dilay darawalkii iyo nin kale oo lagu sheegay inuu ahaa ganacsadihii jaadka lahaa.