3/27/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 16, 2012
Hay'adda Culummada Soomaaliyeed oo baaq u jeedisay Madaxda DKMG ah iyo Odayaasha Xulaya Xildhibaanada Baarlamaanka
Khamiis, Ogoosto 16, 2012 (HOL) — Hay'adda culummada Soomaaliyeed ayaa baaq u jeedisay madaxda DKMG ah ee Soomaaliya iyo odayaasha dhaqanka ee ku howlan xulista xildhibaannada cusub ee baarlamaanka.

Guddoomiyaha hay'adda culummada, Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa ka digay laaluus bixinta iyo laaluush qaadashada iyo qofka dhexdooda ku dhex-jira labada dhinac, isagoo sheegay in nebi Muxammed (NNKH) uu nacladay saddexdaba.

"Madaxda dowladda Soomaalida waxaan dusha ka saaran inay u horseedaan inta kale sidii lagu heli lahaa xulitaan xalaal ah, Beesha caalamka waxaan uga digaynaa faragelinta qayaxan ee ay ku hayaan xulista baarlamaanka iyo faquuqidda ay ku hayaan diinta iyo dadka u damqanaya Soomaalinimada," ayuu yiri Sheekh Bashiir.

Afhayeenka hay'adda culummada Soomaaliyeed, Sheekh Nuur Baaruud Guraxan oo isaguna ka hadlay kulankii ay hay'addu ku yeelatay Muqdisho shalay Arbacadii shalay ayaa ugu baaqay DKMG ah in ay ka hortagto in amniga uu xumaado, isagoo sheegay in laga faa'iideysan karo buuqa jira.

"Baabuurtan badan ee boorarka lagu dhajiyay iyo isbarbar yaacan socda waxaa suurogal ah inay khatar keento oo ammaan-xumadii horay u jirtay ay kasii darto, waxaana loo baahan yahay in la iska eego," ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud.

Sidoo kale, dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayuu ug ubaaqay inay qabato wixii ay qaban karto ayna ka hortagto in ammaanka caasimadda uu faraha ka baxo, isagoo sheegay in dadka oo dhan ay hayso xumada doorashada.

Hay'adda culummada Soomaaliyeed ayaa waxay baaqeedan kusoo beegtay iyadoo ay Muqdisho ka jiraan ololayaal doorasho oo fara badan, sidoo kalena ay soo gaarayaan Muqdisho dad badan oo u sharraxan doorashada madaxnimo ee dalka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya











Click here
8/16/2012 11:35 AM EST
Khamiis, August 16, 2012(HOL): Qoys ka kooban 5 qof ayaa ku sumoobey tuulada Qalaanqal oo ka tirsan gobolka Nugaal, kadib markii ay cabeen biyo ku jirey weel caag ah, oo markiisii hore dareere sun ah lagu keenay.

8/16/2012 10:59 AM EST
Khamiis, August 16, 2012(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya C/weli Maxamed Cali ayaa ka jawaabay hadal uu shalay qalabka warbaahinta ka sii daayay Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed, kaasi oo ahaa in xukuumadda Soomaaliya aysan lahayn wax saameyn ah, isla markaana aysan wax qaraar ah soo saari karin maadaama uu madaxweynenimo isu soo sharraxay Ra’iisal Wasaaraha.

8/16/2012 9:59 AM EST
Khamiis, Agoosto 16, 2012 (HOL)-Madaxweynaha Somaliland Md: Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayaa xalay kulan afur iyo casho iskugu jirta la yeeshay culimadda Somaliland,isla markaana uga waramay xaaladda guud iyo kaalinta ay culimadu ka qaadan karaan wacyigelinta dadweynaha.

8/16/2012 9:55 AM EST
Khamiis August 16, 2012(HOL): Maalmihii ugu dambeeyay, waxaa isbadal xoog leh laga dareemayaa baraamijyada ka baxa idaacadda BBC. Dad badan ayay dhici kartaa in ay la yaaban yihiin waxa sababay isbadalka tayada barnaamijyada, oo uu ka mid yahay midka subixii 7-da aroornimo saacadda Afrikada bari soo gala, waxaa horay uga shaqay jiray muddo sanado ah qof kaliya, iyadoo hadda laba qof ay ka howlgalaan.

8/16/2012 4:25 AM EST
Khamiis, Ogoosto 16, 2012 (HOL) — Waxaa Muqdisho lagu soo bandhigay buuq cusub oo diiradda saaraya xaalada gobolada dhexe, iyadoo buugan loogu magac daray [Tiirka Nabada, Carqaladaga iyo Fursadaha Gobolada Dhexe] ayaa waxaa soo bandhigtay xarunta cilmi-baarista iyo wada-tashiga ee CRD.

8/16/2012 4:22 AM EST
Khamiis, Ogoosto 16, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 15-qof oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan ayaa ku dhintay tiro intaas ka badan oo dad rayid ah ay ku jiraanna way ku dhaawacmeen dagaallo culus oo xalay ka dhacay gudaha iyo daafaha degmada Xudur ee gobolka Bakool.

8/16/2012 4:06 AM EST
Khamiis, Ogoosto 16, 2012 (HOL) — Xoogag taabacsan Xarakada Al-shabaab ayaa shalay gubay gaari jaad u waday degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose oo ay gacanta ku hayaan ciidamada DKMG ah iyo kuwa caawinaya, iyagoo sidoo kale dilay darawalkii iyo nin kale oo lagu sheegay inuu ahaa ganacsadihii jaadka lahaa.