4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 15, 2012
Safiirka dalka Britain u qaabilsan arrimaha Soomaaliya oo rajo ka muujiyay xaalada Soomaaliya (SAWIRRO)
AFUR2.jpg

Arbaco, August 15, 2012 (HOL) - Danjiraha dawlada Britain u qaablisan arrimaha Soomaaliya Matt Baugh ayaa rajo ka muujiyay xaalada Soomaaliya, isagoo sheegay in ansixinta dastuurka iyo horumarka dhanka ammaanka ee la gaaray ay tahay calaamad muujinaysa in Soomaaliya ay soo hagaagayso.

Isagoo ka hadlayay kulan afur ah oo safaarada Britain ee magaalada Nairobi ay u samaysay qaar kamid ah masuuliyiinta Soomaalida ayuu sidoo kalana ka digay sii socoshada carqaladaynta soo doorashada xubnaha cusub ee baarlamaanka.

Matt Baugh ayaa sheegay inuu la qabo qaramada midoobay, ururka midowga afrika iyo urur goboleedka IGAD digniinihii ay soo jeediyeen ee ku aadana in la joojiyo musuqmaasuqa iyo cagajuglaynta lagu hayo hannaanka lagu soo dooranayo xildhibaanada cusub.

Kulankan ayaa waxaa ku sugnaa danjiraha Soomaaliya u jooga dalka Kenya Maxamed Cali Nuur (Ameeriko), xildhibaanka xaafada Kamakunji ee Soomaalidu ku badantahay Yuusuf Xassan iyo gudoomiyaha gudiga doorashooyinka dalka Kenya Isxaaq Xassan oo kasoo jeeda gobolka Soomaalida ee waqooyi bari.

Waxaana Isxaaq Xasan uu uga mahad celiyay taageerada ay dawlad Ingiriisku u fidisay gudigooda iyo sidoo kale dadaallada lagu taageerayo in doorasho si nabad ah u dhacda laga dhigo Kenya sanadka soo socda.

AFUR6.jpg
AFUR.jpg
AFUR5.jpg
AFUR4.jpg
AFUR7.jpg

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya