4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 15, 2012
Yuusuf Garaad Cumar Axmed oo ku dhawaaqay inuu yahay Murashax u taagan xilka Madaxnimo ee Soomaaliya

Arbaco, Ogoosto 15, 2012 (HOL) — Tifaftirhii laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da, Yuusuf Garaad Cumar Axmed ayaa maanta kaga dhawaaqay Muqdisho inuu yahay murashax u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya, isagoo sheegay in haddii uu ku guuleysto doorashada uu ka shaqeyn doono nabadda iyo dib u heshiisiinta.

Intii uusan ku dhawaaqin murashaxnimadiisa ayaa wuxuu kaam ku yaalla agagaarka garoonka diyaaradaha Muqdisho uu geeyay xoolo nool iyo raashin si ay ugu afuraan barakacayaasha kaamkaas ku jiray inta ka harsan bisha Ramadaan.

"Aniga waxaad igu taqaanneen warbaahinta, balse maanta waxaan ku dhawaaqayaa inaan ahayn murashax u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya," ayuu yiri Yuusuf Garaad oo intaas ku raaciyay in xaaladda Soomaaliya uu wax badan ka baahin jiray warbaahinta.


Sidoo kale, wuxuu sheegay in qofka warbaahinta ka shaqeeya uu yahay siyaasi la socda waxyaabaha dalka ka dhacaya oo dhan, waayo anigu waxaan muddo badan ka qaybgalay shirar Soomaaliyeed oo lagu qabtay dunida dacaladiisa, runtiina aad ayaan ula socday xaaladda dalka uu ku sugnaa.

"Waxaan muddo 20-sano ah ka shaqeynayay London, laba sanana Yurubta kale, balse markii aan bulshada la tashay ayaa waxaa ii soo baxday inaan isku soo taago xilka madaxnimo ee Soomaaliya," ayuu yiri Yuusuf Garaad oo sheegay in haddii uu ku guuleysto doorashada madaxnimo uu haweenka siin doono jagada ugu sarreysa.

Mar uu ka hadlayay hannaanka awood-qaybsiga ee 4.5-ka ayuu sheegay inuu yahay mid dad gaar ah lagu faquuqayo, aniguna aad ayaan uga soo horjeedaa in nidaamkaas wax lagu qaybsado, waxaana soo jeedinayaa in Soomaalidu ay shan meel wax ku qaybsato.

Su'aal ku saabsanayd in haddii uu xilka madaxnimo ee dalka ku guuleysto uu heshiis la galayo Al-shabaab iyo in kale, ayuu kaga jawaabay: "Uma maleynayo inaan ku gaari doono, hase yeesheen Al-shabaab iyaga ayaa mas'uul ka ah dhibka maanta ka taagan Soomaaliya, waayo waxay martigeliyeen dad waddamadoodii dambiyo kaasoo galay."


Dhanka kale, mar ka hadlay warfaafinta Soomaalida wuxuu sheegay inuu gacan ka geysan doono sidii aqoontooda sare loogu qaadi lahaa, sidoo kalena uu degmo loo sameyn doono idaacad ka hadasha arrimaha bulshada, si dadka loogu wacyi-geliyo inay ka shaqeeyaan horumarka dalkooda.

Ugu dambeyn, wuxuu ka hadlay barakacayaasha iyo xaaladda ay ku sugan yihiin, isagoo sheegay inuu wax u qaban doon, hase ahaatee in maalin walba cagmaha la hoorsado waxaa ka wanaagsan in qofku shaqeysto si uu noloshiisa u maareeyo.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya