3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 14, 2012
Qaramada Midoobay oo ka digtay in la Weeraro Magaalada xeebeedda Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose
Talaado, Ogoosto 14, 2012 (HOL) — Xiriiriyaha dhinaca gargaarka bani'aadamnimo ee Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobay, Mark Bowden ayaa maanta ka digay in la weeraro magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose oo ay ka taliso Xarakada Al-shabaab.

Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka socda Kenya oo ku sugan qaybo ka tirsan gobolka Jubbada hoose ayaa waxay dhawaanahan ka sheegayeen warbaahinta inay qabsan doonaan Kismaayo inta aysan dhammaan bishan Ogoosto.

"Waxaan aad uga walaacsanahay wararka sheegaya khasaarihii dadka shacabka ahaa kasoo gaaray duqeyn maraakiib ay u geysteen magaalada Kismaayo," ayuu yiri Bowden oo ugu baaqay dhinacyada oo dhan inay yareeyaan khasaaraha shacabka soo gaaraya.

Duqeynta oo dhacday Sabtidii lasoo dhaafay ayaa waxaa ku dhintay saddex qof oo shacab ah, iyadoo dhowr kalena ay khasaare kasoo gaareen, balse dadka ku nool degmada Kismaayo ayaa waxay soo sheegayaan in xilligan ay xalaaddu tahay mid aad u deggen.

Magaalada Kismaayo oo 500-km dhinaca Koonfureed kaga beegan Muqdisho ayaa waxaa ku xooggan Al-shabaab, iyadoo saraakiil u hadlay kooxdan ay sheegeen inay iska difaaci doonaan weerar walba oo degmadaas lagu soo qaado.

Dalalka ay ciidamadu ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya ayaa waxay dhowr jeer sheegeen in magaalada Kismaayo ay tahay xudunta Al-shabaab iyadoo aan la qabanna aan laga guuleysan karin Al-shabaab.

Mark Bowden ayaa hadalkiisa kusoo beegmay iyadoo ra'iisul wasaaraha dalka Kenya, Raila Odinga uu sheegay in la joogo waqtigii ay ciidamadooda ka midka ah AMISOM qabsan lahaayeen Kismaayo.

Dhinaca Al-shabaab ma jirto hadal kasoo baxay oo ku aaddan dingiinta ku aaddan inaan la weerarin xiligaan magaalada Kismaayo, taasoo Bowden uu ku macneeyay inay ka dhalan karto dhibaato bani'aadamnimo oo xoog leh.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
8/14/2012 7:55 PM EST
Talaado, August 15, 2012(HOL): Maalmihii aanu ka soo gudubnay waxaa isa soo tarayay war ku saabsan in Xarrakada Al-Shabaab ee gacanta ku haya magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ay dadka magaaladaas u xalaaleysay cunista hilibka Waraabaha ama Dhurwaaga.

8/14/2012 2:59 PM EST
Talaado, Ogoosto 14, 2012 (HOL) — Saddex diyaaradood oo kasoo duulay dalka Uganda si ay u xoojiyaan ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ayaa ku burburay Kenya iyadoo la sheeagyo in loogu talogalay inay ka qaybqaataan qabsashada magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose.

8/14/2012 10:10 AM EST
Talaado, Ogoosto 14, 2012 (HOL) — Dhismaha kulliyad lagu baranayo cilmiga caafimaadka oo ka tirsan jaamacadda Horseed oo ka mid ah jaamacadaha Muqdisho ka howlgala ayaa waxaa maanta dhagax-dhigay wasiirka waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee DKMG ah, Axmed Caydiid C/raxmaan.

8/14/2012 9:27 AM EST
Talaado, Ogoosto 14, 2012 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada ayaa maanta kulan la qaatay wafti uu hoggaaminayo xoghayaha joogtada ah ee wasaarada arrimaha dibada Kenya, Thuite Wmangi waxayna kawada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhexeeya labada wadan.

8/14/2012 9:11 AM EST
Talaado, Ogoosto 14, 2012 (HOL) — Ciidammo ka tirsan milateriga dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo tiradoodu gaarayso 602-askari ayaa maanta tababar loogu soo xiray xero tababar oo ciidamada dowladda KMG ah ay ku leeyihiin deegaanka Jasiira ee duleedka Muqdisho, waxaana la sheegay in ciidamadaas ay ka qayb-qaadanayaan sugidda ammaanka Muqdisho inta doorashooyinku socdaan.

8/14/2012 9:06 AM EST
Talaado, Ogoosto 14, 2012 (HOL) — Guddiga farsamada ee xulista baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegay inay ku dhawaaqi doonaan magacyada 150 xildhibaan oo ka mid ah kuwa baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, kuwaasoo ay sheegeen inay ka gudbeen baaritaankii lagu sameynayay.

8/14/2012 8:29 AM EST
Talaado, Ogoosto 14, 2012 (HOL) — Ciidamada maamulka gobolka Hiiraan ayaa saacadihii aynu soo dhaafnay ka waday magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiraan howlgal looga hortagayo falalka amaan darro ee mar marka qaar ka dhaca magaalada.

8/14/2012 7:04 AM EST
Talaado, Ogoosto 14, 2012 (HOL) — Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Nabad-sugidda DKMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta lagu dilay afaafka hore ee dekedda Muqdisho, waxaana dilkiisa fuliyay hal ruux oo qori ka dafay askari ka tirsan ciidamada DKMG ah oo halkaas ku suganaa.

8/14/2012 6:48 AM EST
Talaado, Ogoosto 14, 2012 (HOL) — Ururka Midowga Afirka ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin hanjabaado dil ah oo loo dirayo guddiga farsamada ee xulitaanka xildhibaannada cusub ee baarlamaanka, kuwaasoo ay sheegeen inay ka dambeeyaan shaqsiyaad doonaya in xildhibaanno ay wataan loogu daro xubnaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya.

8/14/2012 5:23 AM EST
C/laahi axmed Cadow oo markale isu soo taagay doorashada madaxtinimada lana hadlayay warbaahinta ayaa waxa uu ka hadlay xaalada dalka iyo doorashada lagu wado in maalmaha soo socda ay ka dhacdo Muqdisho.