4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 14, 2012
Ra'iisul Wasaaraha Somalia oo Muqdisho kula kulmay wafdi ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Kenya

Talaado, Ogoosto 14, 2012 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada ayaa maanta kulan la qaatay wafti uu hoggaaminayo xoghayaha joogtada ah ee wasaarada arrimaha dibada Kenya, Thuite Wmangi waxayna kawada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhexeeya labada wadan.

Ugu horayntii xooghayaha joogtada ah ee wasaarada arrimaha dibadda Kenya ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu maanta booqdo Muqdisho uuna la kulmo madax ka tirsan dowladda KMG ah.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay booqashada maanta waxaanan u nimid inaan dib u howlgalino safaaraddii aan Soomaaliya ku lahayn, waxaa kale oo aan rabnaa inaan ka qayb-qaadanno howlaha socda ee ku saabsan sidii dalka xasillooni loogu soo dabaali lahaa; isla markaan u xaqiijino joogitaankeena Muqdisho inuu macno weyn u samaynayo sidii dalka looga hormarin lahaa dhanka ammaanka madaama uu dalku dib uga soo kabanayo colaadihii,” ayuu yiri Wmangi.


Sidoo kale; Wasiirka qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ee DKMK, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay inay saraakiisha Kenya kawada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhexeeyey labada dal, sida hormarinta dhaqaalaha, tababarada shaqaalaha dowladda, waxbarashada, dhinaca canshuuraha iyo sidii baarlamaanka cusub ee Soomaaliya loo siin lahaa tababarro.

Kulanka ayaa waxay saxaafaddu ka ahayd dibad-joog, waxaana ilo wareedyo ku dhow kulanka ay sheegayaan inay jireen qodobbo kale oo laga hadlay oo aan la shaacin, kuwaasoo u badan dhinaca howgallada ciidamada Kenya oo AMISOM ka t irsan.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahad-celiyey xukuumadda Kenya dadaalka dheeraadka ah ee ku aadan sidii Soomaaliya nabad waarta loogu soo dabaali lahaa, sidoo kale ra’iisul wasaaruhu wuxuu soo dhaweeyay dib u howl-galinta safaaradda Kenya ee magaalada Muqdisho.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya