4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 14, 2012
Tababar Ciidammo ka tirsan Milateriga Soomaaliya loogu soo xiray deegaanka Jasiira ee deegaanka Muqdisho
Talaado, Ogoosto 14, 2012 (HOL) — Ciidammo ka tirsan milateriga dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo tiradoodu gaarayso 602-askari ayaa maanta tababar loogu soo xiray xero tababar oo ciidamada dowladda KMG ah ay ku leeyihiin deegaanka Jasiira ee duleedka Muqdisho, waxaana la sheegay in ciidamadaas ay ka qayb-qaadanayaan sugidda ammaanka Muqdisho inta doorashooyinku socdaan.

Wasiirka gaashaandhigga, Xuseen Carab Ciise, taliyaha ciidamada milateriga Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini, xubno ka socda Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo saraakiisha AMISOM ayaa ka qaybgalay munaasabadda lagu soo xirayay tababarka.

"Ciidamadan waxay tababar kusoo qaateen dalka Uganda muddo lix bilood ah, laba bilood ayayna halkan tababar kale ku qaateen, waxayna diyaar u yihiin inay qayb ka qaataan sidii ay uga shaqeyn lahaayeen soo celinta ammaanka dalkooda," ayuu yiri Jen. Diini oo intaas ku daray in ciidamadan berri lasiin doono mushaaraadkooda.

Wasiirka gaashaandhigga DKMG ah ee Soomaaliya, Xuseen Carab ayaa sheegay in ciidamadan ay yihiin kuwo Soomaaliyeed oo aan loo adeegsan karin qaab kale oo siyaasadeysan, wuxuuna xusay in ciidamadan ay niyadjab weyn ku ridayaan wuxuu ugu yeeray cadowda dalka.

Ciidamadan oo isugu jiray rag iyo dumar ayaa waxay soo bandhigeen gaaddo-ka-ciyaar ay ku muujinayeen tababarradi ay soo qaateen, waxaana tababarka ay soo bandhigeen ka mid ahaa inay hub la'aan howgali karaan.

Saraakiil ka tirsan kuwa dowladda KMG oo iyaguna munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay inay ciidamadan awood buuxda u leeyihiin inay qabtaan gaadiidka looga shakiyo inay wataan kooxo doonaya inay rabshado abuuraan.

Ugu dambeyn, saraakiishii ka socday beesha caalamka iyo xubnaha dowladda KMG ah ayaa waxay socod kusoo mareen xero loo sameynayo ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya oo dhismaheedu ka socdo deegaanka Jasiira.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya