4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 13, 2012
Madaafiic Culus oo la isku Weydaarsaday duleedka Degmada Afmadow ee Galbeedka Gobolka Jubbada Hoose
Isniin, Ogoosto 13, 2012 (HOL) — Wararka aynu ka heleyno magaalada Afmadow ee gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in xalay duleedka degmadaasi ay madaafiic isku weeydaarsadeen ciidamada dowladda, kuwa Kenya iyo Al-shabaab.

Dagaalyahanno katirsan Al-shabaab ayaa la sheegay in weerar madaafiic ah ay ku qaadeen saldhig ay ciidamada huwanta ah ku lahaayeen duleedka Afmadow, waxayna aritnaasi keentay in labada dhinac ay isweeydaarsadaan madaafiic cul-culus.

Goobjoogeyaal ku sugan magaalada Afmadow ayaa HOL u sheegay in daryanka madaafiicda ay isweeydaarsanayeen labada dhinac laga maqlayay gudaha magaalada Afmadow ee gobolka jubada hoose.

Ma jiraan dad rayid ah oo ku waxyeeloobay duqeymihii xalay ilaa imikana lama garanayo khasaaraha kala gaaray dhinacyadii uu dagaalka u dhexeeyay.

C/xakiin Xaaji Cumar oo ah gudoomiyaha degmada Afmadow oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xalay weerarka ay soo qaadeen Al-shabaab, wuxuuna xusay in ay iska difaaceen islamarkaasina uusan jirin wax khasaare ah oo kasoo gaaray ciidamada dowladda, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya intaba.

Aalaba dagaalyahannada Al-shabaab ee gobolka jubada Hoose ayaa weerarro madaafiic iyo kuwa jidgal ah waxa ay la beegsadaan ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Kenya ee ku sugan qeybo katirsan gobolka jubada Hoose.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya