4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 13, 2012
Dab xoog leh oo baabi'iyay qaybo ka mid ah Suuqa Xerada IFO oo ka mid ah Xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya
Isniin, Ogoosto 13, 2012 (HOL) — Dab xooggan ayaa khasaare xooggan ka geystay suuqa xerada qoxootigsa IFO oo ka mid ah xeryaha ku yaalla Dhadhaab, halkaasoo ay ku jiraan in ka badan Nus Malyuun qof oo u badan Soomaali.

Lama oga waxa sababay dabka, balse wararka ayaa sheegaya inuu baabi'iyay dhowr dukaan oo kuwa ganacsiga ah, iyadoo dadka ku jira xeradaas ay goor dambe oo xalay dabka damiyeen.

"Xalay saqdii dhexe ayuu dabku billowday, wuxuuna ka billowday haanta biyaha hoosteeda. Ma garanayno sababta uu ka billowday balse wuxuu gubay 20 goob ganacsi oo isugu jiray dukaamo iyo bakhaaro," ayuu yiri goobjooge ku sugan xerada IFO oo saxaafadda la hadlay.

Goobjoogaha ayaa sheegay inaan la garanayn khasaaraha maaliyadeed ee uu ka dhashay dabka, iyadoo ay dadka xeryaha Dhadahaab ku jira ay aad ula yaaban yihiin waxa xiligan kusoo beegay gubashada suuqyada xeradaas.

Toddobaadkii hore ayay ahayd markii suuqa weyn ee xerada Xagar-dheer uu dab xooggan baabi'iyay, mana jirto ciidammo Kenya ah oo u gurmaday dadka ku jira xeryaha xiliyadii uu dabku kacayay, kuwaasoo ahaa xilliyo habeen ah.

"Dadweynaha ayaa dabka damiyay, ma jirto cid kale oo noo soo gurmatay, markii aan ciidamada ku wargelinnay dabka waxay noo sheegeen inaysan xilligan imaan karin xeryaha sababo dhinaca ammaanka ah awgood," ayay tiri haweenkay ka mid ah dadkii ku sugnaa xerada IFO xilligii uu dabku socday.

Xeryayaha IFO, Xagar-dheere iyo Dhagaxley oo ku yaalla Dhadhaab-Kenya ayaa lagu sheegayaa kuwa ugu weyn dunida, waxaana ku jira dad ka badan 500,000 oo qof, kuwaasoo 470,000 oo ka mid ah ay yihiin qoxooti Soomaaliyeed.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya