4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 11, 2012
Duqeymo Xooggan oo ku Socdo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose

Sabti, Agoosto 11, 2012 (HOL) -Diyaarado aan la garaneyn cid iska leh ayaa Caawa salaadii maqrib kadib duqeymo xooggan ku bilaabay  magaalada Kismaayo, iyadoona gantaallada ay tuurayaan diyaaradahaasi ay ku dhaceen xaafado katirsan magaalada Kismaayo.

Diyaaradahan ka yimid dhanka xeebta ayaa waxa ay gantaallo dhowr ah ku tureen xaafadda Mariino oo ku taal illinka laga galo marsadda caalamiga ah ee magaalada Kismaayo, waxaana ilaaa imika la garaneyn khasaaraha ka dhashay duqeymahaasi.

Sidoo kale waxa la sheegaya in duqeymaha diyaaraduhu ay barbar socdaan gantaallo ay soo tuurayaan maraakiib ku sugan meel aan sidaa uga fogeyn xeebta magaalada Kismaayo, waxaana caawa ay cabsi lasoo darastay shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo.

“Magaalada waxa ku socoto duqeyn cirka iyo dhulka ah, diyaarado ayaa gantaallo soo tuurayo dhinacna maraakiib, caawa magaalada cabsi aad u weyn ayaa ka jirto,” sidaa waxa yiri goobjooge ku sugan magaalada Kismaayo oo HOL u waramay.

Goobjoogaha ayaa intaasi ku daray in gantaal uu ku habsaday guri u dhow saldhigga dhexe ee magaalada Kismaayo, wallow aan ila imika la garaneyn cid ku waxyeeloowday.

Masuuliyiin katirsan maamulka Al-shabaab ee magaalada Kismaayo oo fiidnimadan caawa goob fagaare ah kala hadlay shacabka ku dhaqan magaalada ayaa ugu baaqay in ay isdajiyaan, iyagoona ka codsaday bulshada reer Kismaayo in ay ka qeybqaataan dagaallada ay Xarakada Al-shabaab kula jirto dowladda KMG iyo ciidamada AMISOM ee duulaan ku ah gobollada ay ka arimiso Al-shabaab.

Faahfaahin kusaaban duqeynta dib ayaan idinka soo gudbin doonnaa Insha’allah.