4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 11, 2012
Mid ka mid ah Murashaxiinta u taagan Xilka Madaxnimo ee Soomaaliya oo ku hanjabay inay Mudaaharaadyo sameyn doonaan
Sabti, Ogoosto 11, 2012 (HOL) — Murashax ka mid ah kuwa u taagan doorashada madaxnimo ee Soomaaliya oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku hanjabay inay qaban doonaan dibadbaxyo ay uga horjeedaan qorshha ay madaxda dowaldda KMG ah ku doonayaan inay ku hagaan doorashooyinka.

Inj. Maxamed Axmed Saalax ayaa sheegay in madaxda DKMG ah ee Soomaaliya ay isku dayayaan inay iyagu maamulaan doorashada, wuxuuna sheegay inay iyagu ka digayaan in arrintaas la sameeyo, ayna ku baaqayaan in la dhiso guddi dowladda ka madaxbannaan.

"Madaxda dowladda waxaan uga digaynaa inay ka faa'iideystaan awooddooda ayna iyagu isku dayaan inay doorashada hagaan. Waxaan ku talinaynaa inay sameeyaan guddi doorasho oo ka madaxbannaan doorashada si doorashooyinka ay u hagaan," ayuu yiri Inj. Saalax.

Sidoo kale, murashaxu wuxuu madaxda dowladda ku eedeeyay inay doonayaan inay codadka ku shubtaan, isagoo sheegay in haddii ay taasi dhacdo ay imaan doonto dhibaato weyn.

"Innagu waxaan taageeraynaa in ammaanka la adkeeyo, balse ma ogolaan karno in doorashada la musuqmaasuqo, waxaan ku talinaynaa in doorashada loo sinnaado," ayuu yiri Inj. Saalax oo afka ku ballaariyay inay jiraan baqdin laga qabo inaanay sidii la doonayay u dhicin doorashada.

Ugu dambeyn, murashaxu wuxuu sheegay inay abaabuli doonaan doorashooyin haddii aan la bedel qaabka wax lagu wado, iyadoo tani ay qayb ka noqoayso cabashooyinka ay qabaan murashaxiinta qaarkood.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya