4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 10, 2012
Askar ka tirsan ciidamada DKMG ah oo ku dhintay Qarax lagu eegtay Xaafadda Suuqa Xoolaha ee Degmada Huriwaa
Jimco, Ogoosto 10, 2012 (HOL) — Ugu yaraan laba askari ayaa ku dhintay laba kalena way ku dhaawacmeen kaddib qarax miino lagula eegtay gaari uu watay sarkaal ka tisran ciidamada DKMG ah xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir.

Qaraxan oo ahaa mid xooggan ayaa burbur gaarsiiyay gaarigii, iyadoo la sheegay in sarkaalka oo lagu magacaabo Saneey Cabdulle uu ka badbaaday, balse askarta dhimatay iyo kuwa dhaawacmay ayaa ka mid ahaa ilaaladiisa gaarka ah.

"Gaariga uu sarkaalku wato waxaa qaraxa lagula eegtay xaafadda Suuqa Xoolaha, waxaan ku dhintay laba askari, laba kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray," ayuu yiri sarkaal ka tirsan dowladda oo saxaafadda la hadlay.

Sarkaalka la weeraray ayaa wuxuu ahaa taliye urur iyadoo weerarkiisa ay durba sheegatay Xarakada Al-shabaab oo sheegtay in qaraxaas oo ahaa mid abaabulan ay ku dishay askar fara badan oo ka tirsan kuwa dowladda.

Ciidamada dowladda KMG ah ee ku sugan xaafadda Suuqa Xoolaha ayaa ka bilaabay xaafaddaas baaritaanno ay ku raadinayaan kooxihii weerarkaas ka dambeeyay, inkastoo aysan jirin cid weli loo qabtay.

Qaraxan ayaa kusoo beegmaya iyadoo Arbacadii dorraad uu qarax noocan oo kale ah ka dhacay xaafaddaas, kaasoo lagu dilay sideed askari oo ilaalo u ahaa guddoomiye ku xigeenka gobolka Shabeellada Dhexe ee DKMG ah oo lagu weeraray qaraxa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya