3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 1 , 2012
Dagaal sacaado socday oo Ciidamada DKMG, kuwa Kenya iyo Xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray Goblka Gedo

Arbaco, Ogoosto 01, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 10-qof oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan ayaa ku dhintay dagaal culus oo ciidamada dowladda KMG ah, kuwa Kenya iyo xoogagga Al-shabaab ku dhexmarya deegaanka Faafax-dhuun ee gobolka Gedo.

Dagaalkan oo qarxay kaddib markii xoogagga Al-shabaab ay weerareen deegaanka uu dagaalku ka dhacay ayaa waxay Al-shabaab oo ka hadashay sheegtay inay gudaha u galeen deegaankaas oo ay gacanta ku hayeen ciidamada dowladda KMG ha iyo kuwa Kenya oo ku biiray AMISOM.

"Mujaahidiintu waxay gudaha u galeen deegaanka Faafax-dhuun," ayaa laga soo xigtay saraakiil u hadlay Al-shabaab, iyadoo aysan jrin weli hadal kasoo baxay dhinaca dowladda KMG ah iyo AMISOM.

Xarakada Al-shabaab ayaa waxay tan iyo markii ay dhalatay bisha Ramadaan ka wadeen gobollada Koonfurta Soomaaliya weerarro ay ku qaadayaan saldhigyada ay ciidamada DKMG ah, kuwa AMISOM iyo kuwa Itoobiya ku leeyihiin deegaannada ay kaga sugan yihiin gobollada Koonfurta Soomaaliya.

Goobjoogayaal ku sugan agagaaraha deegaanka Faafax-dhuun oo uu dagaalku ka dhacay ayaa sheegay in dagaalku uu ahaa mid culus, ayna xoogagga Al-shabaab gudaha u galeen deegaankaas.

Gobolka Gedo oo ku yaalla Koonfurta fog ee Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacayay dagaallo toddobaadyadii ugu dambeeyay, kuwaasoo u dhexeeyay ciidamada DKMG ah iyo kuwa caawinaya ee Kenya iyo Itoobiya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
8/1/2012 6:33 PM EST
Khamiis, August 02, 2012(HOL): Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa waxaa maanta ka dhacday doorashada madaxweynenimada maamulka Galmudug, taasi oo ay u tartameen labo musharrax oo xilkaas isu soo taagay.

8/1/2012 9:48 AM EST
Arbaco, Ogoosto 01, 2012 (HOL) — Wakiilka xoghayaha guud Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, danjire Augustine Mahiga ayaa sheegay inay jiraan xubno doonaya in lasoo magacaabo xildhibaanno ay iyagu wataan, isagoo sheegay inaan la aqbali karin arrinaas.

8/1/2012 9:27 AM EST
Arbaco, August 01, 2012 (HOL) - Safaarada Soomaalida ayaa bilowday deeq raashin ah oo la gaarsiinayo dadka saboolka ah ee ku nool xaafada Islii ee Soomaalidu ay ku badantahay.

8/1/2012 8:47 AM EST
Arbaco, Ogoosto 01, 2012 (HOL) — Madaxweynaha DKMG ah ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta tagay degmada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe oo 30-km dhinaca waqooyi kaga beegan Muqdisho.

8/1/2012 7:11 AM EST
Arbaco, Ogoosto 01, 2012 (HOL) — Munaasabad siweyn loo soo qaban qaabiyay kana dhacday saldhiga baliiska magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan ayaa waxaa ka qeyb-galay guddoomiyaha gobollka Hiiraan, saraakiisha dowladda Itoobiya, iyo taliska ciidamada Jabuuti ee AMISOM.

8/1/2012 7:05 AM EST
Arbaco, Ogoosto 01, 2012 (HOL) — Dhamaan deegaanada Puntland waxaa maanta si weyn looga xusay, 1-da August oo ku beegan sanad guuradii 14-aad ee kasoo wareegtey xiligii dhidibada loo taagay maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland sanadkii 1998.

8/1/2012 5:09 AM EST
Arbaco, Ogoosto 01, 2012 (HOL) — Ergada ansixinta dastuurka qabyadaha ee Soomaaliya ayaa ku ansixiyay dastuurka cod aqlabiyad ah iyadoo ay jireen xubno ka diiday ansixinta iyo kuwo ka aamusay.

8/1/2012 4:32 AM EST
Arbaco, Ogoosto 01, 2012 (HOL) — Diyaarado nooca dagaalka oo aan illaa imika la garaneyn cida iska leh ayaa shalay ilaa maanta si weyn ugu dulwareegaya magaalada Kismaayo, iyadoona diyaaradahani ay qalqal ku abuureen shacabaka ku dhaqan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubbada hoose.

8/1/2012 3:17 AM EST
Arbaco, Ogoosto 01, 2012 (HOL) — Halkan hoose ka daawo(Live)shirka golaha ansixinta DASTUURKA qabyada ah ee Soomaaliya, iyadoo codeynta oo gacan taag ah ay ka billaabatay xarunta uu shirku ka socdo.

8/1/2012 3:01 AM EST
Arbaco, Ogoosto 01, 2012 (HOL) — Weerarro ismiidaamin ah ayaa lagu qaaday maanta xarunta uu shirka uga socday ergooyinka ansixinta dastuurka, waxaana mas'uuliyiin ka tirsan dowladda ay sheegeen inay ku dhinteen qaraxyadaas labadii qof ee xambaarsanaa, sidoo kalena aysan jirin cid kale oo ay dhimasho kasoo gaaray.