Kooxda Manchester City oo 1—0 uga adkaatay Kooxda Manchester United
Ciyaaryahan Kompany oo daqiiqaddii 46aad ee qeybtii hore ee ciyaarta kooxdiisa Manchester City u dhaliyay goolka kaliya ee ay uga badisay Kooxda Manchester United .
Isniin, April 30, 2012(HOL): Ciyaar aad u xiiso badan oo aad loo wada sugayay ayaa waxay caawa dhexmartay kooxaha isku magaalada ah ee Manchester United iyo Manchester City, iyagoo wada ciyaaray kulan ka tirsanaa horyaalka Ingiriiska.
90 daqiiqo oo ay ciyaarta socotay ayaa waxay natiijadii ku soo gebagebowday 1-0 oo ay ku adkaaday kooxda Manchester City, iyadoo goolkaasna uu dhammaadkii qeybtii hore u dhaliyay kooxda Man. City ciyaaryahan Kompany oo goolka madaxa ku dhaliyay.
Waxaa kulanka labada kooxood xiisaha gaarka ah u yeelay iyadoo kooxdii guuleysata ay xaqiijisay in ay ku guuleysatay horyaalka dalka Igiriiska. Kooxda Manchester United ayaa lahayd intii uusan kulanka billaaban 83 dhibcood, halka kooxda Manchester City-na ay lahayd 80 dhibcood, halka goolashana ay kala lahaayeen 60 gool oo ay kooxda Manchester City lahayd, halka kooxda Manchester United-na ay lahayd 54 gool.
Guusha ay gaartay kooxda Manchester City ayaa waxay u suurtagelisay in ay hoggaanka dalka Ingiriiska ku qabato 8 gool, waxayna labada kooxood dhinaca dhibcaha yihiin isku dhibco. Waxaa xusid in labada kooxood ay min labo ciyaarood u harsan yihiin.
Kooxda Manchester City uma suurtagelin weligeed in ay ku guuleysato horyaalnimada dalka Ingiriiska, halka Manchester United-na ay koobka horyaalka dalka Ingiriiska ay ku guuleysatay 12 jeer.
Khubarro Isboorti oo saadaal ka bixiyay ciyaartan intii aysan billaaban ayaa sheegay in ay u dhiganto mid final oo kale maadaama ay labada Manchester ku dagaallamayeen horyaalnimada dalka Ingiriiska.
Labada kooxoodba waxay soo bandhigeen ciyaar weerar iyo weerar-celis ah, walow ay Kooxda Manchester United iska khasaarisay fursado goolal loo fishay, halka kooxda Manchester City qudheeda ay fursado iska khasaarisay.
Waxaa xusid mudan in daawashada ciyaarta ay ka soo qeybgaleen dad aad u faro badan oo qaarkood ay ka soo socdaaleen Latin America sida Diego Maradona oo kale oo ciyaarta daawanayay, isla markaana taageerayay kooxda Manchester City oo ay u ciyaaraan ciyaartoy badan oo dalka Argentina u dhashay.
Gunaanadkii ciyaarta ayaa waxaa isu bax-baxsaday labada tababare ee Sir Alex Fergusan iyo Roberto Mancini, kuwaasi oo muran dhexmaray uu qarka u fuulay in uu gacan-ka-hadal isu bedelo waayo waxaa kala qabtay garsoorayaasha keydka oo boosaskooda ku kala celiyay.
Taageerayaasha labada kooxood oo midnimo muujiyay intii aysan ciyaarta billaaban.
Ciyaartoyda Kooxda Manchester City ay ku soo ciyaar-tagtay
Hart, Zabaleta, Lescott, Kompany, Clichy, Barry, Toure Yaya, Silva, Tevez (De Jong 68), Nasri, Aguero.
Ciyaartoyda keydka: Pantilimon, Richards, Milner, Dzeko, Kolarov, Balotelli.
Ciyaartoyda Kooxda Manchester United ay ku soo ciyaar-tagtay
De Gea, Jones, Ferdinand, Smalling, Evra, Nani, Carrick, Scholes, Park (Welbeck 58), Giggs, Rooney.
Ciyaartoyda Keydka: Amos, Berbatov, Hernandez, Young, Rafael Da Silva, Valencia.
Garsooraha Ciyaarta dhexdhexaadinayay: Andre Marriner (W Midlands)
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]