10/11/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 21, 2012
Danjiraha cusub ee Falastiin u fariisanaya Soomaaliya oo maanta warqadihii Aqoonsiga u gudbiyay Madaxweyne Shariif


Sabti, Abriil 21, 2012 (HOL) — Dowladda Falastiin ayaa waxay ku biirtay dowladaha safaaradaha ka furaya magaalada Muqdisho, waxaana safiirka u fadhin doona dalka Soomaaliya, Kaamil Cabdullaahi uu maanta warqadihiisii aqoonisga ku wareejiyay madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweyne Sheekh Sharifi ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Falastiin uu ka dhexeeyo xiriir adag oo wanaagsan, haddana ay ka go'an tahay inay sii xoojiyaan si walaalnimada labada shacab loo adkeeyo.

Danjiraha Falastiin ayaa uga mahadceliyay madaxweyne Soomaaliya soo dhaweyntii uu u sameeyay, isagoo sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu noqdo safiirka dalkiisa u fariisanaya Soomaaliya.

Xukuumadda Falastiin oo dagaal kula jira Israa'iil ayaa waxay ka mid ahayd dalalkii safaaradaha ku lahaa Soomaaliya intii aysan burburin xukuumaddii milateriga ahayd ee uu hoggaaminayay Jen. Maxamed Siyaad Barre.


Ma ahan dowladda Falastiin oo keliya kuwa safaaradaha ka furtay Soomaaliya tan iyo markii ay Al-shabaab isaga baxday qaybo badan oo Muqdisho ka tirsan, balse dalal Afrikaan ah, kuwo Aasiyaan ah iyo kuwo Yurubiyaan ah ayaa safaaradahoodii dib uga furtay Muqdisho.

Dalalka Itoobiya, Jabuuti iyo Uganda oo ay ciidammo ka joogaan Soomaaliya ayaa waxay safaaradahoodii dib uga furteen Muqdisho, kuwaasoo si maalinle ah u shaqeeya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya