10/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 12, 2012
Wasiirka dastuurka Soomaaliya oo shaaciyay inaan la aqbali doonin cid aysan soo xulin hogaamiyayaashii dhaqanka ee hore (SAWIRRO)

DASTUURKA8.jpg

Khamiis, April 12, 2012 (HOL) - Shir ay soo qabanqaabisay wasaarada dastuurka Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Nairobi ayaa looga dooday dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya.

Wasiirka dastuurka Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil oo furay shirka ayaa sheegay in xubnaha ansixinaya dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya oo kur u dhaafaya 800 laga soo xuli doono qabaa’ilka kala duwan ee Soomaalida.

Waxaana uu tilmaamay inaan la aqbali doonin cidii aysan soo xulIn hogaamiyayaasha dhaqanka ee la wada ictiraafsanyahay.

“Way istaqaannaa Soomaalidu, waana la wada ogyahay hogaamiyayaasha dhaqanka ee soo jireenka ahaa, kuwaas cid aysan soo xulin ma aqbali doono”ayuu yiri Xoosh.

Xoosh ayaa sidoo kale sheegay in dastuurkan uu yahay mid gacanta loo galiyay Soomaalida ayna haatan ka shaqaynayaan dhammaystirkiisa khuburo Soomaali ah oo gaaraya 9 xubnood.

“Dastuurka waxaa gacanta ku haya khuburo Soomaali ah oo isugu jira rag iyo dumar, ayaga ayaana soo dhammaystiraya, inta ka horraysana waxaan aruurin doonnaa fikradaha shacabka oo aan siin doonno tixgalintooda”. Ayuu sii raaciyay wasiirku.

Shirkan oo ahaa mid lagula tashanayay ergo ka socotay xerada qaxootiga ee Kakuma ayaa waxaa u sharraxay kasoo qaybgalayaasha ujeedadada shirka madaxa hay’ada ka shaqaysa arrimaha horumarinta shuruucda ee IDLO Shirwac Maxamed Jaamac oo kala shaqaynayay wasaarada dastuurka la tashiyada isagoo ka dhawaajiyay muhiimada ay leedahay in dastuurka la tashiyadiisa laga qaybgaliyo dadweynaha Soomaalida ah ee ku dhaqan xeryaha qaxootiga.

DASTUURKA.jpg

“Maanta waxaa inala jooga wafdi ka socda xerada qaxootiga ee Kakuma waxaanan dhagaysan doonnaa fikradahooda iyo talooyinkooda ku aadan dastuurka”. Ayuu yiri Shirwac.

Safiirka Soomaaliya Maxamed Cali Nuur Ameeriko oo lagu casuumay kulanka ayaa soo dhaweeyay in dadka ku dhaqan xeryaha qaxootiga laga qaybgaliyo dastuur u samaynta dalka iyo sidoo kale dib u dhiska socda.

“Waddanka rajo wanaagsan ayaa ka muuqata,dadka ku dhaqan xeryaha qaxootigana waa muwaadiniin xaq ku leh dalka, waxaanan ku faraxsanahay in maanta loo yeeray”. Ayuu yiro danjire Cali Ameeriko.

Batuulo Axmed Gabal oo ka tirsan hawlwadeennada wasaarada dastuurka oo halkaas ka hadashay ayaa jeedisay khudbad qiiro leh oo ay kaga codsatay Soomaalida inay u naxaan dalkooda.

“Yaa noo keenay faragalinta shisheeye? Annaga ayaa waddankeenii dayacnay, markaas ayaa dalkeenii uu noqday mid faraheena ka baxaya, walaalayaal aynu dalkeenna u istaagno, fursad ayaa wali inoo furan aan dalkeenna ku dhisanno”. Ayay tiri Batuulo oo si wayn loogu sacabiyay.

Madaxda iyo horjoogayaasha Soomaalida ku dhaqan xerada qaxootiga ee Kakuma ayaa markaas kadib bilaabay inay fikradahooda ka dhiibtaan dastuurka qabyo-qoraalka Soomaaliya iyagoo ballanqaaday inay ka qaybgali doonaan dib u dhiska dalka.

DASTUURKA10.jpg
DASTUURKA4.jpg
DASTUURKA3.jpg
DASTUURKA7.jpg
DASTUURKA9.jpg
DASTUURKA6.jpg
DASTUURKA5.jpg
DASTUURKA2.jpg

Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya