Maryan Qaasim oo loo doortay guddoomiyaha Xisbiga TAYO oo xalay lagaga dhawaaqay Gobolka Minnesota
Axad, Abriil 01, 2012 (HOL) — Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa looga dhawaaqay xalay xisbi siyaasadeed cusub oo ay guddoomiye ka tahay Maryan Qaasim, xoghaye guud ka yahay ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Xisbigan oo loogu magacdaray Xisbiga Cadaaladda iyo Sinnaanta ayaa guddoomiye looga doortay Maryan Qaasim oo ahayd wasiiraddii haweenka iyo arrimaha qoyska xukuumaddii Farmaajo, waxaana xisbigan uu ku magac-dheer yahay TAYO.
"Waqtiga dowladda wuxuu ku egyahay bisha Ogoosto, waxaan doonaynaa inaan ka qaybqaadano samato-bixinta dalka," ayay tiri Maryan Qaasim oo wareysi siisay VOA-da iyadoo sheegtay in xisbigooda uu yahay mid ay doonayaan inay isbedel ku dhaliyaan.
Dr Maryan Qaasim ayaa sheegtay inay dhawaan soo bandhigi doonaan xubnaha xisbiga iyo jagooyinkooda, waxayse sheegtay in iyada loo doortay guddoomiye, ra'iisul wasaarihii horena loo doortay xoghayaha guud ee Xisbiga.
Sidoo kale, guddoomiyaha xisbiga waxay sheegtay in taageerayaal badan oo ay ku leeyihiin dalka dibadiisa iyo gudihiisa ay fariimo hambalyo ah u soo direen, iyagoo muujinaya sida ay ugu faraxsan yihiin xisbiga cusub.
Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo oo isaguna hadlay ayaa sheegay in xisbiga uu yahay mid u furan dhammaan dhinacyada Soomaalida, sidoo kalena uu yahay mid ay ugu talogaleen in dalka ay uga saaaraan xilliga kala guurka ah.
Ku dhawaaqidda xisbigan ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli ay soo badanayeen xisbiga siyaasadeed ee dalka iyo dibadiisa looga dhawaaqayo, iyadoo xilliga kala guurka ah ee dowladda KMG ah uu ka dhiman yahay shan bilood oo keliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya