Axad,September 09, 2012 (HOL) - Soomaaliya waxay markii ugu horreysay mudo ku dhow 22
sano ay isu diyaarinaysaa doorasho madaxtanimo oo ka dhacda dalka gudihiisa,
taasoo sii xoojinaysa rajada ay Soomaali badan oo qurbaha ku nool ay ka qabaan
inay dib ugu soo laabtaan dalkooda. Xaawo Maxamed Xassan (Lehelow)
|
Sanadihii ugu dambeeyay waxaa dalka dib ugu soo laabtay
boqolaal Soomaali ah, oo ka kala yimid wadamada caalamka, kuwaasoo ka qayb
qaadanaya dib u dhiska dalka ka soconaya.
Haweenka Soomaaliyeed ayaa isku dayaya inay ka qayb
qaataan dhinacyada kala duwan ee dib u dhiska dalka, iyagoo ola'olana u galay
inay kasoo dhex muuqdaan siyaasada dalka.
Xaawo Maxamed Xassan waa gabar aqoonhanad ah oo kasoo
guurtay magaalada London,kana mid ah haweenka dhawaan dalka dib ugu soo
laabtay.
Xaawo waxay u soo guurtay Soomaaliya, si ay uga qayb
qaadato, horumarka siyaasadeed ee Soomaaliya ka soconaya.
"Waxaan u imid inaan ka qaybgalo dib u dhiska dalka
ka soconaya, waxaanan rabaa in haweenku ay dhinac walba oo dalka horumarkiisa
ah ay ka shaqeeyaan" ayay tiri xaawo oo la hadashay Hiiraan Online.
Xaawo ayaa aaminsan in dhisitaanka hay’adaha dawlada Soomaaliya ay wakhti
qaadan doonto, laakiin aysan taasi suuroobi karin hadii aan la helin qaybtii ay
haweenku ku lahaayeen.
“Waxaan u imid inaan kaalintayda ka qaato, dhisitaanka dawlada uu dalku
yeelanayo, waxaanan wax uu bartay dalkayga” ayay sii raacisay Xaawo.
Najmo Axmed Cabdi ayaa iyaduna kamid ah haweenka ka hawlgala gudaha magaalada
Muqdisho, una dhaqdhaqaaqa ka shaqaynta doorka horumarineed ee haweenku ay ku
leeyihiin bulshada. Najmo Axmed Cabdi
|
Najmo ayaa aaminsan inay tahay waajib qaran in qof walba
oo Soomaali ah uu dalka ku soo noqdo, si loo helo qaran ay hogaaminayaan
dadkiisa aqoonta leh.
“Waxaa dhibka sii siyaadiyay markii ay dalka ka carareen dadkiisii waxbartay,
si loo helo qaran tiirar adag ku taagan, waa in dadka aqoonta leh ay dalka dib
ugu soo laabtaan”ayay tiri Najmo oo haatan maamusha urur u dooda xuquuqda
dhalinyarada iyo haweenka.
Gabdhahan oo caruurtoodii uga soo tagay banaanka dalka ayaa kuu sheegaya in
khatarta Muqdisho ay ugu bareereen si ay qayb uga noqdaan taariikhda cusub ee
dalkooda u bilaabatay,iyagoo jeclaan lahaa inay caruurtoodana keenaan hadii ay
xaaladu kasii hagaagto.
“Farxadeenu waxay dhammaystirmaysaa markaan dalkeena oo amaan ah aan aragno, oo
aan caruurteena iskuul u dirsan karno annagoo wax walwal ah aan qabin” ayay sii
raacisay Najmo.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa buux dhaafiyay Soomaali
isugu jira rag iyo haween kasoo noqday wadamada qurbaha,kuwaasoo intooda badan
bilaabay ku biiritaanka dawlada, aasaasitaanka ganacsiyo iyo waliba samaynta
ururo ka shaqeeya arrimaha horumarinta bulshada.
Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho , Soomaaliya