4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 9 , 2012
Ammaanka Muqdisho oo la adkeeyay saacado kahor doorashada iyo musharraxiinta oo dardargaliyay ola'olahooda
Maanta.jpg

Axad, September 09, 2012 (HOL) - Amaanka goobaha muhiimka ah ee caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa la adkeeyay ,iyadoo ay baaritaano xoog leh samaynayaan ciidamada dawlada iyo kuwa Amisom oo jidgooyooyinka ku baaraya dadka iyo gawaarida.

Gudoomiyaha baarlamaanka Prof. Maxamed Cismaan Jawaarii ayaa ka codsaday shacabka inay ka qaybqaataan dadaallada sugayo ammaanka, isagoo sheegay in baarlamaanku ay tixgalin doonaan rabitaanka shacabka.

Musharaxiinta ayaa iyaguna dardargaliyay ola'olahooda doorashada, iyagoo isku dayaya in saacadaha ugu dambeeya ay xoojiyaan taageerada ay ka haystaan xildhibaanada baarlamaanka iyo shacabka ku nool caasimada.

Boqollaal ah taageerayaasha Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ah, ayaa isugu soo baxay bartamaha magalaada, iyagoo lulaya calanka Soomaaliya iyo sawirrada Maxamed C/laahi Farmaajo.

Madaxweynaha Soomaaliya ee xilligiisii dhammaaday Shariif Sheekh Axmed iyo gudoomiyihii hore ee baarlamaanka Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa iyaguna xaflad wayn ku qabsaday hotelka City Plaza, taasoo Shariif Xassan oo horay u ahaa musharax uu taageeradiisa ku biiriyay Shariif Sheekh Axmed.

Waxaa kaloo kulankan ka qaybgalay masuuliyiin uu kamid yahay Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi iyo madaxweynaha dhawaan loo doortay Galmudug Cabdi Xassan Cawaale Qaybdiid.

Isbahaysiga Labada Shariif oo xilliyadii ugu dambeeyay ku kala fogaaday siyaasada ayaa kamid ah ola'olaha musharraxiinta ee saacadihii ugu dambeeyay.

Waxaa kaloo iyaguna isu soo baxyo sameeyay qaar kamid taageerayaasha musharraxiinta Xassan Sheekh Maxamuud iyo Yuusuf Garaad Cumar.

Dadweynaha caasimada ayaa hadalhayntoodu ugu badan ay tahay doorashada dhici doonta isniinta iyo natiijada kasoo bixi doonta.

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa barri u codayn doona madaxweynaha dalka hogaamin doona 4-ta sano ee soo socota oo ay ka dooranayaan 24ka musharrax ee isugu soo haray doorashada."

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya