4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 9 , 2012
Guddiga Doorashada oo sheegay in mid ka mid ah Murashaxiinta uu ka Tanaasulay ka qaybgalka doorashadea Madaxweynenimo ee Soomaaliya
Axad, September 09, 2012 (HOL) — Guddoonka doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa sheegay in mid ka mid ah murashaxiinta u taagan tartanka doorasho ee madaxweynaha Soomaaliya uu sameeyay tanaasul.

Afhayeenka guddiga doorashada, xildhibaan Cismaan Libaax Ibraahim ayaa sheegay in C/raxmaan C/shakuur Warsame uu tanaasulay shalay kaddib markii uu jeediyay khudbaddiisii ku saabsanayd barnaamijka siyaasadeed haddii uu doorashada ku guuleysto.

"Doorashadu waxay dhacaysaa berri oo ay bishan ku beegan tahay 10-ka, waxaana ka tanaasulay ka qaybgalka doorashada hal murashax oo ah C/raxmaan C/shakuur Warsame," ayuu yiri Cismaan Libaax oo intaas ku daray: "Tartanka wuxuu dhex-mari doonaa 24 murashax."

C/raxmaan C/shakuur ayaan la hadlin saxaafadda lamana oga sababta keentay inuu tanaasul sameeyo, isagoo ka mid ahaa murashaxiintii buuxiyay shuruudihii looga baahnaa inay soo buuxiyaan bixiyayna 10,000 oo dollar oo is-diiwaangelin ahayd.

"Wax walba oo loo baahnaa waan diyaarinay doorashaduna waxay dhacaysaa berri oo Isniin ah," ayuu carrabka ku adkeeyay afhayeenka guddiga doorashada oo intaa ku daray in doorashadan ay tahay mid taariikhi ah oo markii ugu horreysay gudaha dalka lagu qabanayo kaddib muddo dheer.

Xildhibaan Cismaan Libaax wuxuu sheegay in doorashadu ay u dhici qaab saddex wareeg ah, murashaxiin wareegga koowaad hela saddex meelood laba meelood uu heli doono doorashada, haddii la waayo murashax helaya la geli doono wareegga labaad oo ay ku tartami doonaan afarta murashax ee ugu sarreeya, haddii cid ku soo bixi wadayna loo gudbi doono wareegga saddexaad oo ay ku tartami doonaan labad murashax ee ugu codka badan.

Murashaxiinta u taagan doorashada madaxweynaha ayaa maanta sameynayay ololayaal kala duwan oo ay ku muujinayaan waxqabadkooda, waxaana ka mid ah xubnaha sameeyay ololayaasha Shariif Sheekh Axmed oo ah casuumay qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka cusub iyo kuwii hore.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya