4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 9 , 2012
Qaraxyo khasaare geystay oo Maanta ka dhacay Xaafadda Suuqa Xoolaha, Degmada Huriwaa ee Gobolka Banaadir
Axad, September 09, 2012 (HOL) — Qaraxyo is-xigay oo sababay dhaawacyada lix qof oo isugu jiray shacab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay xaafadda suuqa xoolaha ee degmada Huriwaa, iyadoo ciidmaada dowladda ay kusoo qabteen in ka badan 70-qof baaritaanno ay ka sameeyeen xaafaddaas.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxyadu ay ahaayeen kuwo loo adeegsaday bambooyinka gacanta laga tuuro, lalana beegsaday goob ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya, iyadoo kooxihii weerarka geystay ay baxsadeen.

"Qaraxyadu waxay ahaayeen kuwo is-xigay oo lagu weeraray ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, waxaan arkay dhaawacyada lix qof oo ay askari ku jirto," ayuu yiri goobjooge ku sugnaa halka ay qaraxyadu ka dhaceen.

Xaafadda Suuqa xoolaha ee degmada Huriwaa oo dhinaca Waqooyi ee Muqdisho ku taalla ayaa waxay ka mid tahay goobaha ugu ammaanka xun Muqdisho, iyadoo ay dhowr jeer oo hore ka dhaceen dilalka qorsheysan iyo iskahorimaadyo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kooxo hubeysan.

"Ciidamada dowladda baaritaanno ayay sameeyeen qaraxyada kaddib waxayna ku soo qabqabteen in ka badan 70-qof, qaarkood waa lasii daayay qaar kalena gaadiid ayaa lagu qaatay," ayuu yiri goobjooge ku sugan suuqa xoolaha.

Dhanka kale, qarax uu ku dhintay hal qof ayna ku dhaawacmeen sideed qof oo dhammaantood shacab ahaa ayaa shalay ka dhacay Suuqa Bakaaraha, iyadoo ay goobta ka baxsadeen kooxihii weerarka geystay.

Qaraxyadan ayaa waxay imaanayaa iyadoo Muqdisho uu ka socdo diyaargarowgii ugu dambeeyay ee dooramada madaxweynaha Soomaaliya, sidoo kalena ay Muqdisho ka socdaan baaritaanno lagu sugayo ammaanka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya