4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 7 , 2012
Shacabka Soomaliyeed oo rajeynaya in dalka uu geli doona xaalad ka wanaagsan midd uu hadda ku jiro kadidb doorashada Madaxweynaha

Jimco, September 07, 2012 (HOL) — Shacabka Soomaaliyeed ayaa waxay rajeynayaan inuu dalku geli doono jawi ka wanaagsan midda uu hadda ku jiro, kaddib doorashada madaxnimo ee Soomaaliya oo dhacaysa toddobaadka soo socda.

Tartanka doorashada ayaa waxaa ka qaybgalaya 25 murashax oo u badan kuwo dibadda ka yimid, waxaana ka mid ah xubnaha tartamaya madaxweynaha watigiisu dhammaaday, Shariif Sheekh Axmed iyo ra’iisul wasaarihiisii, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Dadweynaha Muqdisho ku nool ayaa waxay aragtiyo kala duwan ka bixinayeen doorashada iyo isbedelka uu dalku geli doona, inkastoo aysan dadku waxba dooranayn, hadana waxay qabaan in xildhibaanada dooranaya madaxweynaha cusub ay yihiin kuwo aqoon leh.

"Isbedelka xukuumadeed ee dhici doona waa mid aan aad u taageersanahay, waayo waxaan qabaa in mustaqbalka dalka uu isbedel ku imaanayo uuna u gudbayo xaalad tan ka duwan," ayuu yiri Ayaanle Carab Xasan oo la hadlayay wakaaladda wararka Shiinaha ee Shinwaa.

Magaalada Muqdisho ayaa waxay noqonaysaa markii ugu horreysay oo ay ka dhacdo doorasho madaxweyne tan iyo 1967-kii markaasoo la doortay madaxweynihii xilligaas ee la dilay C/rashiid Cali Sharma’arke, iyadoo laba sano kaddib ay xukunka awood ciidan kula wareegeen milaterigii Soomaaliya oo dalka xukumayay 21-sano.

Soomaalida kasoo laabtay qurbaha ayaa iyaguna qaba in doorashada madaxnimo ee dalka ay horseedayso in dalka uu dhibaatada ka baxo. Waxayna sheegeen in ganacsiga Spomalia uu dib u furmi doono sidoo kalena dadka dibadaha ku nool ay dib ugu soo laaban doonaan dalka.

Xasan Cabdi Maxamed oo ka mid ah gancsatada Soomaaliyeed ayaa qaba in doorashada ay u hoggaaminayso dalka deggenaan iyo xasillooni, dalkna uu ka bixi doono dhibaataddii uu muddada dheer kusoo jiray iyo midda siyaasadeed ee cakiran.

"Waxay ila tahay in doorashada ay tahay howl dalkeenna u horseedaysa mustaqbal wanaagsan. Waxaan rajeynayaa in madaxweynaha cusub uu noqdo mid danta dalka ka fekera dibna u soo celiya qoxootiga Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool, kana shaqeeya horumarka dalka. Waayo shirarka lagu qabtay gudaha dalka way ka wanaagsan yihiin kuwii dibadda lagu qaban jiray. Sidoo kale waxaan rajeynayaa in doorashadu ay dalka u hoggaamiso syaasad wanaagsan," ayuu yiri ganacsde Xasan Cabdi.

Bile Isaaq Faarax, ayaa wuxuu isaguna qabaa in tani ay tahay rajadii ugu wanaagsanayd Soomaliya labaatankii sano ee lasoo dhaafay. Isagoo yiri: "Anigu waxaan rumeysanahay in doorashadan ay tahay mid rajo gelinaysa Soomaaliya 21 sano oo rabashado ah kaddib, waayo waxaan muddadaas ka jiray dalka siyaasado kala duwan. Waa inaan Alle uga mahad-celinno iftiinka noo bidhaamay."

Magaalada Muqdisho ayaa ku jirta xilligii ugu wanaagsanayd dhinaca ammaanka 21-kii sano ee lasoo dhaafay, waxaana ammaanka sugaya ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM si ay doorashadu ugu dhaco sidii loogu talogalay iyadoo rabashad la’aan ah.

"Waxaan u arkaa doorashada guul shacabka Soomaaliyeed u soo hoyatay, maxaa yeelay tani waa mid ka tarjumaysa isbedel uu dalku galayo. Ma jiro wax khilaaf ah sidii lagu arki jiray shirarkii dibadaha dalka lagu qaban jiray. Shacabka Soomaaliyeed waxay muhiimad weyn u arkaan shirarka lagu qabtay Muqdisho," ayuu yiri Cabdullaahi Cabdi Xuseen oo ka mid ah shacabka Muqdisho ku nool.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa u arka in doorashada madaxweynaha ee toddobaadka soo socda dhacaysa ay saameyn wanaagsan ku yeelanayso noloshooda, ayna dalka oo dhan u horseedi doonto deggenaasho iyo horumar weyn.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya