![]() |
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay inay wax ka bedel ku sameeyeen xeer hoosaadkooddii, isla markaana ay ahayd inay ka war sugaan in sida xeerku dhigayo marka isbedel lagu sameeyo 15 cisho gudahood loogu soo gudbiyo guddida diiwaangelinta, balse uu tilmaamay inay ka degdegeen, iyadoo aan wali loo soo gudbin isbedelkaasi lagu sameeyey xeer hoosaadkoodda ay iska soo saareen qoraal ay ku laalayaan musharaxiinta xisbiga UDUB ee madaxweynenimadda.
Madaxweynihii hore ee Somaliland, ahna gudoomiyaha xisbiga UDUB ayaa sheegay inuu jiro khilaaf hadheeyey xisbiga, balse aanu ahayn mid kaligood uun ku kooban ee xisbiyada kale uu soo maray khilaafku, isla markaana aanu xisbigu khilaaf dhacay aanu u joogsanayn.
“Guddida diiiwaangelinta waraaqdan ay soo qoreen wxaan u arkaa inay dacaayadaynayaan xisbiga, gudidu ha ku soo noqdaan dhexdhexaadnimadii iyo garsoorkoodii, go’aankayagiina waxba kama bedelayo”ayuu raaciyey hadalkiisii.
Dhinaca kale, guddidda Diiwaangelinta ururadda siyaasada ayaa sharci daro ku tilmaamay shirweynihii uu xibsiga UDUB ku doorteen musharaxiinta madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeenka uga qaybgali doona doorashooyinka madaxtinimo Somaliland ee mustaqbalka.
Qoraal ay toddobada xubnood ee gudidda diiwaangleintu ka kooban ay soo saareen, ayaa lagu sheegay in musharaxnimada Cali Waran-cadde iyo Axmed Xaaji Daahir ka hor imanayso qodobka 11-aad ee dastuurka Qaranka Somaliland.
Sidoo kale, gudoomiyaha guddida diiwaangelintu waxa uu sheegay in shirka golaha dhexe ee lagu doortay Musharaxiintani aanay waxba ka jirin, ilaa uu xisbigu qabsado shirwayne guud, sidaa daraadeedna laga saaray liiska Musharaxiinta, iyagoo faray Guddoomiyaha Xisbiga UDUB Daahir Rayaale Kaahin inuu u hogaansamo shuruucda Dalka, isla markaana Ixtiraamo Nidaamka u yaala Xisbiga.
Guddidda diiwaangelinta iyo Axsaabta Ururadda Siyaasada, ayaa Shaqadoodu tahay ku ilaalinta shuruucda u yaala Axsaabta iyo inay ka war hayaan shirweyneyaashoodda marka ay qabsanayaan.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland
