5/17/2022
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 5 , 2012
Wararkii ugu dambeeyay Xaalada Deegaannadii uu ka kacay dabka Khasaaraha badan geystay ee Gobolka Hiiraan
Arbaco, September 05, 2012 (HOL) — Dadka ku dhaqan degmooyinka Maxaas iyo Moqokori 24-kii saac ee la soo dhaafay waxaa ay ku jireen gurmad xoog leh oo la xiriir bal sidii wax badan looga ogaan lahaa ugu danbeytii khasaaraha uu sababay dab habeen hore qabsaday dhul howd ah oo u dhaxeeya labada degmo.

Wararkii ugu danbeeyay ee soo baxay waxaa ay sheegayaan in aysan jirin cid ilaa iyo hadda wax ku noqotay dabka, maadaama maalintii shalay la sheegay in labo caruur ah ku dhinteen.

Odayaasha iyo waxgaradka deegaannadaas ayaa sheegay in afar ruux oo lagu weysanaa dabka loona maleeyay in ay dhinteen markii danbe la halley, kadib markii u baxsadeen meelo kale oo uusan dabku gaarin,  taasoo calaamad u ah in ilaa iyo hadda aysan jirin cid wax ku noqotay dabka.

Guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Max'ed Xalane oo maalintii shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baladweyne, ayaa sheegay in labo caruur ah ay ku dhinteen dabka, sidoo kalana guryo iyo xoolo intaba baabi’iyay.

Maamulka dowladda gobollka Hiiraan ee gobollka Hiiraan ayaa sheegay in looga baahan yahay hay’addaha samafalku in ay gurmad xoog leh u sameeyaan dadka reer miiyi’ga ah ee uu dabku qabsaday, oo markii horeba la daalaa dhacayay xaalado dhinaca nolasha ah.

Marka laga soo  tago khasaaraha ilaa iyo hadda aan leysla meel dhigin ee uu dabkaasi sababay, ayaa haddana dhinaca waxaan wali la ogeyn sababta rasmiga ah ee dhalisay dabka oo la sheegay in uu ku fiday dhul balaaran oo u dhaxeeya degmooyinka Maxaas iyo Moqokori.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya











Click here
9/5/2012 12:13 PM EST
Arbaco, September 05, 2012 (HOL) — Guddiga doorashada madaxweynaha Somalia ayaa maanta shaaciyay magacyada murashaxiin buuxiyay shuruudihii looga baahnaa kuwaasoo ka mid ah 37 xubnood oo illaa iyo hadda gudbiyay araajidooda.

9/5/2012 8:49 AM EST
Arbaco, September 05, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB, Daahir Rayaale Kaahin ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay qoraal kasoo baxay guddida diiwaangelinta doorashooyinka madaxweynenimo ee Somaliland oo sharci-daro ku tilmaamay shirkii lagu doortay musharaxiinta doorshada madaxweynenimo ee Somaliland uga qaybgeli doona xisbiga UDUB oo kala ah, Cali Waran-Cadde iyo Axmed Xaaji Daahir.

9/5/2012 8:27 AM EST
Arbaco, September 05, 2012 (HOL) — Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa sheegay maanta in ciidamadooda ay la wareegeen deegaanno ku yaalla xeebta bad-weynta Hindiya oo ay ka mid tahay Ceel-macaan oo ay ku taallo dekeda macmal ah oo ay sheegeen in Al-shabaab ay u isticmaali jirtay inay kala soo dagaan hbka iyo dagaalyahannada ajnabiga ah.

9/5/2012 7:16 AM EST
Arbaco, September 05, 2012 (HOL) — Dalladda dhaliyarada bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya (South Central Somali Youth Umbrella) ayaa kulan weyn oo uu ka qayb-galeen arday iyo dadweyne fara badan ayaa waxay ku qabteen Muqdihso.

9/5/2012 3:58 AM EST
Arbaco, September 05, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo shalay galabta ku laabtay magaalada Hargeysa kaddib ka qaybgalkii aaskii ra'iisul wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan cid walba oo kusoo baxda doorashada madaxweynenimo ee Soomaaliya.

9/5/2012 3:14 AM EST
Arbaco, September 05, 2012 (HOL) — Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Kenya ayaa duqeeyay Talaadadii shalay dekedda iyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo oo ah xarunta gobolka Jubbada Hoose, xilli ay degmadaas uga qaxayaan dagaallada awgood dad fara badan.

9/5/2012 3:14 AM EST
Arbaco, September 05, 2012 (HOL) — Ugu yaraan lix qof oo ay ku jiraan labadii dhinac ee dagaalamay ayaa ku dhintay dagaal culus oo xalay saqdii dhexe gudaha degmada Garbahaarey ku dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Al-shabaab.